Mareykanka oo Israel uga digay xadgudubyadeeda heshiiska xabad joojinta Lubnaan
Mareykanka ayaa codkiisa ku biiriyay digniinaha Israel loogu jeedinayo inaanay carqaladeyn heshiiska xabad joojinta ee ay iyada iyo Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ay gaareen 26-kii bishii ina dhaaftay ee November.
Ergayga Gaarka ee Mareykanka, Amos Hochstein ayaa Israel uga digay inay ku xadgudubto xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee ka jirta dalka Lubnaan.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Amos Hochstein uu maamulku u sheegay in Washington ay uga digeyso in ay jebiso qodobada heshiiska xabad joojinta ee labada dal.
Wararka ayaa sheegaya in Hochstein uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu u sheegay in dhammaan calaamadaha ay muujinayaan in xadgudubyada soo noqnoqday ee halka dhinac ay keeneyso in heshiiska uu burburo, taasna aanay cidina dan ugu jirin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hochstein uu Hoggaamiyaha Israel ka dalbaday in la joojiyo diyaaradahooda ku dul heehaabaya Caasimadda Beirut, bacdamaa ay dhaawaceyso heshiiska, guuxa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay baqdin ku hayso dadka rayidka ah.
Wargeyska The Times of Israel ayaa daabacay in Ergayga Mareykanka ay farriintiisu ahayd in la ilaaliyo, sidii ay ku sii shaqayn lahayd xabad joojinta lixdanka maalmood ee lagu heshiiyay, si mustaqbalka loogu gaaro xasillooni iyo ammaan buuxa oo labada dal ee deriska ah.
Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaa diiday in uu wax faallo ahi ka bixiyo digniintan ugu dambeysay ee uga timid xulafadooda ugu muhiimsan ee dibadda.
Digniintan ayaa timid, ka dib markii Faransiiska uu Israel uga digay in ficiladeeda ay khatar gelin karaan in heshiisku uu sii shaqeeyo.