Mareykanka oo ka laabtay 10 milyan oo dollar oo la dul dhigay Hoggaamiyaha Suuriya

Dowladda Mareykanka ayaa meesha ka saartay abaalmarin dhan 10 milyan oo dollar, oo horey loo dul dhigay madaxa Hoggaamiyaha Ururka Hayat Tahrir Al-Sham, Ahmed Al Sharaa (Abu Mohammed Al Jawlani), kaas oo ururkiisu uu hoggaaminayay afgembigii dhawaan ka dhacay dalka Suuriya.

Tani ayaa ka dambeysay, ka dib markii Jimcihii ay Magaalada Dimishiq ku kulmeen diblomaasiyiin sare oo Mareykan ah iyo wakiillo ka socday Hayat Tahrir Al-Sham.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ee gobolka, Barbara Leaf ayaa sheegtay in iyada iyo diblomaasiyiinta kale ay wada-xaajood miro-dhal ah la yeesheen Saraakiisha Hayat Tahrir Al-Sham.

Barbara Leaf ayaa Warbaahinta u sheegtay in Dowladda Mareykanka ay go'aansatay in meesha laga saaro lacagihii abaalmarinta ee lagu soo qabanayay Ahmed Al Sharaa, ka dib markii ay ka heleen waxa ay ku sheegtay farriimo togan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xalay sheegtay in kulanka looga hadlay mabaadii'da kala guurka ee uu taageerayo Mareykanka, arrimaha gobolka iyo baahida loo qabo inaysan dib u soo xoogeysan Daacishta Suuriya.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in kulanka sidoo kale looga hadlay maqnaanshaha muwaadiniinta Mareykanka ee lagu waayay dalkaasi, intuu uu xukunka hayay Bashar Al Assad, oo ay ku jiraan Wariye Austin Tice oo sanadkii 2012 lagu afduubay Caasimadda Dimishiq iyo dhakhtarka cilmi nafsiga Majd Kamalmaz oo isna la waayay sanadkii 2017.

Inkastoo Mareykanka uu ninka hoggaaminaya mucaaradka qabsaday dalkaasi kala laabtay abaalmarintii lacageed ee dul saarneyd, haddana ururkiisa ayaa weli ku jira ururada uu Mareykanka u aqoonsan yahay argagixisada caalamiga ah.

Mareykanka ayaa Hayat Tahrir Al-Sham ku xiraya shuruudda ah in ay soo dhisaan dowlad loo dhan yahay, kana madaxbannaan wax diin ah.

Mareykanka iyo xulafadiisa NATO ayaa si diiran u soo dhaweeyay ridistii Bashar Al Assad, waxayna kooxaha la wareegay talada dalkaasi ay ka doonayaan inaysan Iran dib u soo dhisin kaabeyaasheedii militari ee Suuriya iyo inaysan weerarin Xoogaga Kurdiyiinta ee degan waqooyiga dalkaasi.

Si kastaba ha-ahaatee booqashada wafdiga Mareykanka ee Dimishiq ayaa noqoneyso, tii ugu horreysay oo diblomaasiyiin sare oo Washington ka socda ay ku taggaan Dimishiq, wax ka badan 10 sano.

Waa calaamad kale oo muujineysa is bedelka ballaaran ee ka dhacay dalkaasi, tan iyo markii meesha laga saaray dowladdii uu hoggaaminayay Assad.

Booqashadan ayaa daba socota booqashooyin is xigxigay oo wafdi ka socda Qaramada Midoobey, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ay maalmihii la soo dhaafay ku taggeen Dimishiq.

Mareykanka iyo reer Yurub ayaa daneynaya in ay saamayn ku yeeshaan dhismaha dowladda cusub ee ay Suuriya yeelaneyso.