Mareykanka oo ku dhawaaqay inay xiran yihiin Dekedaha Iran

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa xalay ku dhawaaqay inay xanibi doonaan Dekedaha Iran oo dhan saacado ka dib, markii ay burbureen wada hadaladii nabadda ee Mareykanka iyo Iran.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay xanibayaan dhammaan gaadiidka badda ee soo gelaya iyo kuwa ka baxaya Dekedaha Iran, laga bilaabo 10-ka subaxnimo ee maanta.

Taliska ayaa sheegay in xanibaadda ay saamayn doonto dhammaanba maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee imanaya amaba ka baxaya xeebaha dalkaasi, oo ay ku jiraan Dekedaha Iran ee saaran Khaliijka iyo Gacanka Cumaan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka aysan caqabad ku noqon doonin maraakiibta ka gudbeysa Marinka Hormuz, haddii aanay ahayn kuwa ka imanaya Dekedaha Iran.

CENTCOM waxay sheegtay in maraakiibta caalamiga ah ee aan tagin ama ka iman dhulka xeebaha ee Iran ay heli doonaan xorriyad ay ku maraan Hormuz.

Warka Taliska CENTCOM ayaa liddi ku ah hanjabaadda Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan in xanibaadda ay beegsan doonto dhammaan maraakiibta isku dayaya inay hore iyo gadaal isugu socdaan marin biyoodka Hormuz, iyadoo aan loo eegayn dalka laga leeyahay.

Sida ku cad warsaxaafadeedka CENTCOM, xanibaadda ayaa lagu beegsanayaan oo keliya maraakiibta u socota ama ka soo baxaya Dekedaha Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii ku hanjabay in Mareykanku uu go'doominayo marakiibta isaga kala goosha marin biyoodka Hormuz.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Ciidanka Badda Mareykanka ay si dhakhsa ah u go'doomin doonaan Marinka Hormuz, isla-markaana ay ka hortagi doonaan maraakiibta ay Iran lacagaha ka qaaddo.

Trump ayaa sheegay in go'doomintu ay socon doono, illaa dhammaan maraakiibta laga fasaxayo inay maraan Marinka Hormuz.

Iran ayaa horey u sheegtay in maraakiibta ganacsiga oo dhan ay mari karaan Hormuz, marka laga soo tago kuwa laga leeyahay dalalka dagaalka ku lugta leh.

Qorshaha Militariga Mareykanka ee lagu go'doominayo Dekedaha Iran ayaa ah fara-gelin militari oo Washington ay ku sii wiiqeyso dhaqaalaha dalkaasi.