Mareykanka oo markii 6aad Veto ku hor istaagay in xabad joojin laga sameeyo Gaza
Mareykanka ayaa markii lixaad diidmada qaxayan ee Veto ku hor istaagay qaraar caalami ah, oo lagu dalbanayay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.
Mareykanka ayaa xalay Veto isku horgudbay qaraarkan, kaasoo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ku dalbanayeen in xabad joojin laga sameeyo Gaza, xilli Israel ay ballaarisay duulaanka ay ku hayso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Iyadoo dhammaan xubnaha kale ee Golaha Ammaanka ay taageereen qaraarka, Mareykanka ayaa noqday dalka keliya ee diiday xabad joojinta Gaza.
14 dal ayaa taageeray oo ansixiyay qaraarka, laakiin diidmada Veto ee Mareykanka uu adeegsaday ayaa aqlabiyadda ka dhigeysa mid waxba kama jiraan ah amaba aan shaqeyneyn.
Mareykanka ayaa ka mid ah 5-ta dal ee joogtada ah ee leh codka Veto, iyadoo 4-ta dal ee kalena ay yihiin Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariyay 10-ka xubnood ama dal ee la soo doortay, si looga jawaabo digniinta Qaramada Midoobey ee ku saabsan in masiibo dhab ah oo bani'aadantinimo ay ka jirto Gaza oo dhan, ka dib ku dhawaad laba sano oo Israel ay gaysaneysay weeraro ay ku dhinteen 65,141 qof.
Kuxigeenka Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Morgan Ortagus ayaa sheegtay in mowqifka Mareykanka ee qaraarkan aanu noqon doonin mid la yaab leh.
Morgan Ortagus ayaa sababta ay qaraarka u mucaaradeen ku tilmaamtay in uu liddi ku yahay xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo, isla-markaana aan lagu cambaareyn Xamaas.
Safiirka Falastiin u jooga Qaramada Midoobey, Riyad Mansuur ayaa isna codeynta ka dib sheegay in ay aad uga xun yihiin diidmada qayaxan ee Mareykanka, isla-markaana ay Washington ka hor istaagtay Golaha Ammaanka inay doorkooda saxda ah ka ciyaaraan, sidii loo joojin lahaa falalka waxashnimada ah ee Israel iyo inay difaacaan dadka rayidka ah ee wajahaya xasuuqeeda.
"Tani waxay muujineysaa in marka ay timaaddo dembiyada foosha xun, isticmaalka diidmada qayaxan waa in aan si fudud loo ogolaan in la joojiyo dembiyada Israel." Ayuu yiri Riyad Mansuur.
Mareykanka oo xulafo dhow la ah Israel ayaa ah dalka qura ee siyaasad ahaan ku difaaca, gaar ahaan marka la joogo Golaha Ammaanka.
Waa markii lixaad oo Mareykanku uu adeegsado awooddiisa Veto, si uu u taageero rabitaanka israel, ee ah in ay sii waddo dagaalkan amaba aan la gaarin waqtigii la soo afjari lahaa.