Mareykanka oo wax u eg luqad adag kula hadlay Israel
Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greenfield ayaa xalay dhalleeceysay weerarada xargaha goostay ee ay Israel ku hayso shaqaalaha gargaarka ee ka hawlgala Marinka Gaza, ka dib markii Khamiistii ay duqayn ku dishay shaqaale la socday kolonyo gargaar.
Haweeneydan ayaa sheegtay in ay khasab tahay in Israel ay qaaddo tallaabooyin ay ku ilaalineyso dadka ka shaqeynaya howlaha samafalka.
Linda Thomas-Greenfield ayaa adkeysay in ay tahay in la soo afjaro weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka bani'aadantinimo, xilli ay kordheen weerarada sida ula kaca ah loogu bartilmaameedsanayo shaqaalaha arrimaha samafalka iyo baabuurta gargaarka.
"Israel waa inay qaaddaa tallaabooyin la taaban karo, si ay u hubiso in Shaqaalaha Qaramada Midoobey si buuxda loo ilaaliyo." Ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.
Linda ayaa hadalkeeda ku xoojisay "Dhammaan weerarada iyo hadalada hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah Qaramada Midoobey iyo hay'adaha kale ee samafalka, waxay u baahan yihiin inay joojiyaan."
Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa Jimcihii Ciidamada Israel ku eedeeyay inay rasaaseeyeen gaari ay leedahay Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Gaarigan ayaa habeenkii Talaadada lagu weeraray Buundada Waadi Gaza, xilli laba ka mid ah gaadiidka gaashaaman ay gelbinayeen kolonyada gargaarka bani'aadantinimo.
Hay'adda WFP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay hakisay dhaqdhaqaaqa shaqaalaheeda ee Marinka Gaza, illaa amar dambe, iyadoo laga jawaabayo khatarta amni ee jirta.
"Ciidanka Difaaca Israel ayaa duqeeyay gaari ay leedahay Hay'adda WFP ee Marinka Gaza. Waa dhacdo aad u murugo badan." Ayuu yiri Matthew Miller, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray "Shaqaalaha gargaarka ayaa Gaza u jooga inay caawiyaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, Israel-na waa inay hubisaa badqabkooda."
In ka badan 250 shaqaalaha gargaarka ayaa lagu dilay Marinka Gaza, intii uu socday dagaalka weli ka sii soconaya dhulka go'doonsan.
Inkastoo Mareykanka uu mararka qaarkood dhalleeceeyo ficilada Israel ee ka baxsan bani'aadantinimada, haddana waxaa lagu eedeeyaa inaanu awoodiisa u adeegsan joojinta dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.