Mareykanka oo Xamaas ku eedeeyay weerarka lagu dhaawacay shaqaalihiisa Gaza

Mareykanka ayaa Ururka Xamaas ku eedeeyay in uu ka masuul yahay weerarka lagu dhaawacay laba ka mid ah shaqaalahooda ka tirsan Hay'adda Humanitarian Foundation (GHF) ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun gargaarka lagu qaybiyo oo ku taala Khan Yunis, waxayna hay'addu sheegtay in weerarka loo adeegsaday bambo gacmeedyo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Tammy Bruce ayaa masuuliyadda weerarka dusha kaga tuurtay Ururka Xamaas ee Falastiin.

Haweeneydan ayaa sheegtay in weerarku uu xadgudub ku yahay dadka doonaya in ay gargaarka siiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza, isla-markaana uu muujinayo sida ay tiri xumaanta Xamaas.

Tammy Bruce ayaa sheegtay inuusan jirin wax joojinaya shaqaalaha gargaarka, oo ay ku tilmaamtay kuwo geesiyaal ah.

"Waxaan u baryaynaa in ay caafimaad degdeg ah helaan dadka Mareykanka ah ee dhaawacmay." Ayay tiri Tammy Bruce.

Tammy Bruce oo warkan ku sheegtay qoraal ayaan haddana soo bandhigin wax caddeymo ah oo xoojinaya eedeymahooda ka dhanka ah Xamaas.

Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in waxa uu ugu yeeray ururada argagixisada ay carqaladeynayaan qaybinta gargaarka ee Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo muujiyay in uu ka xun yahay weerarka ayaa caafimaad u rajeeyay xubnaha ku dhaawacmay weerarkaasi.

"Shaqaalaha aasaaska waxay qabanayaan shaqo muhiim ah, waxaana iyaga iyo Madaxweyne Trump uga mahadcelinayaa gargaarka." Ayuu Netanyahu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa oo intaasi ku daray "Caalamka oo dhan wuxuu u baahan yahay inuu u istaago oo uu cambaareeyo dhacdada daran, taas oo mar kale muujineysa naxariis darrada Xamaas. "

Netanyahu ayaa waxa uu Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay joojiso diidmadeeda ka dhanka ah Hay'adda GHF, isla-markaana ay taageerto shaqada ay hayso.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa aasaastay hay'addan oo lagu wareejiyay qandaraasleyaal iyo shirkado dhanka amniga oo Mareykan ah.

Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay'addan ku wareejisay shaqadii ay hay'adaha bani'aadantinimada muddada dheer ka wadeen gudaha Gaza, iyadoona u wakiilatay keenista gargaarka iyo in ay u qaybiso dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa ah dalka qura ee taageeray hay’addan, halka dunida inteeda kale aan laga soo dhaweyn.

Hay'adaha caalamiga ah ayaa iska diiday in ay la shaqeeyaan hay'addan, maadaama aanan lagu kalsoonaan karin madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeyn mabaadi’da aasaasiga u ah hay’adaha bani’aadantinimada.

Midowga Yurub oo lagu tiriyo xulafada dhow ee Israel ayaa xitaa diiday shaqada hay'addan, waxayna Israel ku eedeeyeen in ay hortaagan tahay in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan ee ku nool Gaza oo dhan.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uusan taageersaneyn qaabka ay Israel gargaarka uga qaybineyso Marinka Gaza.