Marinka Hormuz oo weli ah aag halis ah

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa ka digtay in heerka khatarta marin biyoodka Hormuz uu gaaray meel aad halis u ah.
Hay'adda UKMTO ayaa xalay sheegtay in fara-gelinta hagidda, xanibaadaha lagu sameynayo isu socodka maraakiibta, warbixinada la xiriira in Iran ay miinooyin ku aastay marin biyoodkaasi iyo khataraha kale ee ku gadaaman xorriyadda socdaalka badda ay waxaas oo dhan Hormuz ka dhigayaan goob ay halisteedu sarreyso.
UKMTO ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in sidoo kale uu jiro khatar weerar oo ka dhan ah maraakiibta, iyadoo daba joogta weeraro la sheegay in Ciidamada Iran ay Sabtidii ku qaadeen maraakiib ka gudbeysay Marinka Hormuz.
"Heerka khatarta Gacanka Cumaan ayaa sidoo kale weli ah mid halis ah." Ayaa lagu yiri warka UKMTO oo intaasi ku daray "Halka koonfurta iyo waqooyiga Badda Cas iyo weliba Badda Mediterranean-ka ay ka jiraan heerar khatar oo dhexdhexaad ah."
Tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi Iran 28-kii bishii February, hoos u dhac weyn ayaa ku yimid isu socodkii maraakiibta shixnadaha saliidda ee Hormuz.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa Axaddii sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iran aysan ogolaan doonin in maraakiibta ganacsiga ee dalalka ku lugta leh dagaalka ay maraan Marinka Hormuz, sababtu tahay go'doominta sii socota ee Mareykanka uu ku hayo Dekedaha Iran.
Inkasta oo Mareykanka iyo Iran ay 7-dii bishan ku heshiiyeen xabad joojin muddo 15 maalmood ah, haddana muddada oo haatan geba-gabo ku dhow ayaan is bedel wax ku ool ah laga dareemin Marinka Hormuz, walow maraakiibta qaar ee ogolaada inay bixiyaan canshuuraha Iran ay si nabdoon uga gudbayeen marinkaasi.
Xiisadda ka taagan Hormuz ayaa cirka isku shareertay, ka gadaal markii Mareykanka uu toddobaadkii hore soo rogay awaamiir lagu go'doominayo Dekedaha Iran, si looga hortago saliidda ay Tehran dhoofiso.
Iran ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in ay dib u furtay marin biyoodka Hormuz, isla-markaana ay mari karaan dhammaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, iyadoo lagu taageerayo xabad joojin 10 maalmood ah oo laga sameeyay Lubnaan, inkastoo Iran ay Sabtidii ka laabatay mowqifkeedii furitaanka Hormuz, sababo ku aaddan diidmada Madaxweyne Donald Trump ee in la joojiyo go'doominta ka dhanka ah dekedaha dalkaasi.
Hormuz ayaa ku laabaneysa waqtigii adkaa ee maalmihii dagaalka oo ka dhigay mid aan xasillooneyn, iyadoo Iran iyo Mareykanka ay labaduba dib ugu noqdeen xeeladaha cadaadiska, taasoo cawaaqib ku yeelaneysa maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, sahayda tamarta adduunka, qiimaha sicirka saliidda iyo deganaanshaha dhaqaalaha caalamka.
Marinka Hormuz ee Bariga Dhexe ayaa ah marin badeedka ugu weyn ee gobolka iyo caalamkaba ee ay adeegsadaan maraakiibta batroolka iyo gaaska, waxaana ka gudba labaatan boqolkiiba (20%) tamarta laga isticmaalo dunida.


