Militariga Jabuuti oo gargaar gaarsiiyay dadka ka barakacay Beledweyne

Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS ayaa deeq gaarsiisay dadka ka barakacay fatahaadda Magaaladda Beledweyne.

Militariga Jabuuti ayaa deeqdan oo ka koobneyd raashiin iyo baco gaarsiiyay qoysaska ku barakacay deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaaladaasi, toddobaad ka dib markii Webiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay magaalada.

Taliyaha Qaybta 4aad ee Hawlgalka ATMIS, Korneyl Xumad Axmed Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Jabuuti ay garab taagan yihiin dadka ay fatahaaddu saameysay.

"Annaga halkan waxaan u joognaa gurmadka Hiilwalaal baan nahay. Madaxdeenna ayaa nagu amartay inaanu idiin garab taagnaano habeen iyo maalin." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in kaalmo kale ay soo gaarsiin doonaan dadka reer Beledweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa Ciidamada Jabuuti kaga mahadceliyay garab istaagooda reer Beledweyne.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 270 kun oo qof ay saameysay fatahaadda ka jirta magaalada, kuwaa oo aan haysan buu yiri hoy iyo biyo nadiif ah.

Gudoomiye Sufurow ayaa Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA iyo hay'adaha kale ee caalamiga ah ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan dadka dhibaatooyinka adag ee nololeed ku wajahaya duleedyada magaalada.

Inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa ku dhintay fatahaadda ka jirta Magaalada Beledweyne, sida uu sheegay Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdisalaan Faarax Maxamed.