Militariga oo sheegay in horjooge sare oo Al Shabaab ka tirsanaa lagu dilay Magaalada Bu'aale

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkan oo xalay ka dhacay Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Maxamuud Cabdi Xaamud (Jacfar Gurey).
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa mid ka mid ah aasaasayaashii Ururka Al Shabaab, isla-markaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka dhexdiisa.
"Dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii kooxda Khawaarijta, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogeyaashii isaga dambeeyay Hoggaalka Al Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin waxa ay ugu yeeraan Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al Shabaab iyo Madaxa Dabagalka. Dhammaan xilalkaas oo la xiriiray howlaha sirdoonka, qorsheynta weerarada iyo dilalka arxandarrada ah ee kooxda Khawaarijta." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in ninkan uu door muuqda ku lahaa maalgelinta dhismihii hore ee Al Shabaab, isla-markaana uu qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah, oo bilowgii lagu maalgeliyay aasaaskii dhismaha Al Shabaab.
"Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee kooxda, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo ay ku wada jireen horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii Ururka Al Shabaab." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa waxa kaloo lagu sheegay "Hawlgalkan guuleystay ee lagu khaarijiyay dhagarqabe Jacfar Gurey wuxuu ka tarjumayaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka Somaliya iyo saaxiibada caalamka ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta Al Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed."


