NISA oo sheegtay in duqayntii Gobolka Hiiraan lagu dilay xubno Shabaab ah

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa caawa war ka soo saartay weerarkii xagga cirka ee maanta laga fuliyay deegaanka Tardo ee bariga Gobolka Hiiraan.
Hay'adda NISA ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen Tardo, laguna dilay sagaal ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.
NISA aya warkeeda ku sheegtay in sidoo kale hawlgalkan lagu burburiyay bar kontorool, oo Shabaabku doonayeen in ay lacago sharci darro ah kaga qaadaan baabuurta shacabka.
"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kala lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen in ay shacabka ku dhibaateeyaan." Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa intaasi ku daray "Weerarka ayaa yimid, ka dib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujineysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar kontorool oo sharci darro ah, oo ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka, waxaana hawlgalkan oo ku soo dhammaaday si guul ah, looga hortagey damacii Khawaarijta."
Duqayntan ayaa noqoneyso tii saddexaad ee Shabaabka lagu la beegsado deegaanka Tardo, tan iyo markii ay deegaankan qabsadeen 13-kii bishii July ee sanadkan.


