Rahmanullah Lakanwal oo loo aqoonsaday ninka weerarka ka gaystay agagaarka Aqalka Cad
Laamaha amniga ee Mareykanka ayaa Rahmanullah Lakanwal u aqoonsaday in uu yahay ninka Arbacadii toogashada ka gaystay agagaarka Aqalka Cad ee Magaalada Washington DC.
Rahmanullah Lakanwal oo ah 29 jir u dhashay dalkaasi Afghanistan ayaa ku jira gacanta ciidamada, iyadoo dhaawac soo gaaray lagaga daweynayo isbitaal ku yaala magaaladaasi.
Saraakiisha Fulinta Sharciga ayaa sheegay in Lakanwal uu Mareykanku soo galay bishii September ee sanadki 2021, isla-markaana uu haatan ku noolaa Gobolka Washington.
Lakanwal ayaa meel gees ah ka soo toogtay laba ka mid ah Ciidanka Ilaalada Qaranka, xilli ay ku sugnaayeen mid ka mid ah waddooyinka soo gala Aqalka Cad, sida uu sheegay Taliye Kuxigeenka Booliska Washington DC, Jeffery Carroll.
Carroll oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeysanuhu uu bartilmaameedsaday xubnaha Ilaalada Qaranka, xilli ay roondo ku guda jireen.
Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in askartaasi ay si xun ugu dhaawacmeen weerarka toogashada.
Warbaahinta CNN ayaa sheegtay in ciidamadu ay soo heleen qori la rumeysan in weerarka loo adeegsaday, isla-markaana uu socdo baaritaan ay hay'adaha ammaanka ku ogaanayaan, sida uu ninkaasi qoriga ku helay.
Lama oga sababta ka dambeysa weerarka, balse Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in hay'adaha ammaanka ay si dhow u baarayaan suurtagalnimada in weerarku uu yahay mid argagixiso.
Ma jiraan dad kale oo laga shakisan yahay oo toogashadaasi loo soo xiray. Ninka weerarka gaystay ayaa u muuqday in uu keligii ahaa.
Aqalka Cad oo wax yar uun ka fog goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa muddo kooban la hakiyay dhaqdhaqaaqii ka jiray, ka dib weerarka.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo ka falcelinayay warka ku saabsan in ninkaasi uu ka yimid Afghanistan ayaa weerar afka ah ku qaaday Maamulkii Madaxweyne Joe Biden, oo uu ku eedeeyay in ay iyagu dalka soo geliyeen ninkaasi.
"Ninkan ajnabiga ah ayaa wadankeenna ka soo galay Afghanistan, oo god cadaab oo dhulka ah." Ayuu yiri Trump oo ka maqan Aqalka Cad, una jooga Gobolka Florida munaasabadda fasaxa ee Thanksgiving-ka.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa isha ku haya xaaladda ka soo cusboonaatay Washington DC, ka dib toogashada lagu dhaawacay labada askari ee ka tirsan Ilaalada Qaranka.
Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa si isku mid ah toogashada ugu miisaamaya dhacdo naxdin leh, waxayna adkeynayaan in si dhow loola socdo xaaladda.






