Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo safarkiisii ugu horreyay ku tegay Mareykanka

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaaray Magaalada Washington ee xarunta dalkaasi Mareykanka, waana safarkiisii ugu horreyay ee dalkaasi ugu ambabaxo, tan iyo markii uu xilka qabtay bishii October.

Raysal Wasaaraha ayaa maanta Aqalka Cad kulan kula leh Madaxweyne Joe Biden, iyagoona ka wada hadli doona arrimaha Ukraine iyo kaalmada militari ee la siiyo dowladda dalkaasi.

Raysal Wasaaraha oo booqashadiisan ay qaadan doonto muddo laba cisho ah ayaa doonayo in Dowladda Mareykanka uu iskaashi kala sameeyo khataraha ka imaanaya Ruushka iyo xulafadiisa.

Mareykanka iyo Ingiriiska waa labada dal ee ugu weyn ee taageerada militari siiya Ukraine, oo dagaal adag kula jirta Ruushka, dagaalkuna waxa uu noqon doonnaa waxa ugu weyn ee kulankaasi looga hadlayo.

Raysal Wasaare Sunak ayaa sidoo kale gadaal ka riixaya qorshaha London, ee ah in la xoojiyo xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay Washington.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaaruhu uu sidoo kale la kulmi doono Xubnaha Congress-ka iyo ganacsatada dalkaasi, uuna kala hadlayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

"Waxaan u baahanahay inaan dhisno isbaheysi ilaaliya kobciya dhaqaalaheenna, taasina waa diiradayada mustaqbalka." Ayaa lagu yiri warka.