Raysal Wasaare Xamse oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska, General Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Badda, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo masuuliyiin kale.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale xaruntaasi kaga qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo uu uga mahadceliyay doorkooda sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa ciidamada ku amaanay guulaha ay ka gaareen xaqiijinta amniga magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la tilmaamaa in ay wax weyn ka qabatay amniga Muqdisho, dhowrkii sano ee u dambeeyay.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa bishii April ee sanadkii 2023 lagu wareejiyay howlaha sugidda amniga ee magaalada. Xoogagan oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare ayaa ku guuleystay in ay wax ka bedelaan muuqaalkii amniga magaalada.