Wasiirka Haweenka Koonfur Galbeed oo sheegtay in la dilay Ikhlaas Ibraahim

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Koonfur Galbeed, Sahra Cismaan Axmed ayaa sheegtay in la dilay Ikhlaas Ibraahim Amiin, oo ahayd gabar shan jira oo Jimcihii meydkeeda laga helay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Gabadhan oo qoyskeeda ay waayeen Arbacadii ayaa meydkeeda laga helay MCH ama goob caafimaad oo ku dhegan gurigooda oo ku yaala xaafadda Xaqsoor. Hay'adaha ammaanka ayaa meydkeeda baaritaan ugu diray Isbitaal Goboleedka Baay, xilli ay jireen calaamado muujinaya in xarig lagu ceejiyay.

Wasiirka Haweenka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeysay geerida Ikhlaas Ibraahim, iyadoona war ka soo baxay xafiiskeeda ku sheegtay in la dilay gabadhaasi, inkastoo aysan wax faahfaahin ah ka bixin qaabka loo dilay.

"Marwo Sahro waxay si qoto dheer uga tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee gabadha yar, iyadoo tilmaameysa in dhacdadan ay tahay murugo weyn oo taabatay qalbiga bulshada, gaar ahaan qoyska iyo dadka reer Koonfur Galbeed ee jecel nabadda iyo badbaadada carruurta." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Marwo Sahro Cismaan Axmed waxay sidoo kale ugu baaqeysaa laamaha amniga iyo hay'adaha caddaaladda inay si degdeg ah, hufan oo waafaqsan sharciga u baaraan dhacdadan, cid kasta oo ku lug lahaydna sharciga la horgeeyo, si loo helo caddaalad iyo isla xisaabtan."

Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay"Dil loo gaysto ilmo yar oo aan waxba galabsan, waa dhacdo naxdin leh oo u baahan in si dhab ah loo baaro, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo xaqa dhibanaha iyo caddaaladda qoyskiisa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada inay ilaashadaan xurmada nolosha, gaar ahaan tan carruurta, ayna la shaqeeyaan hay'adaha amniga si xaqiiqada dhacdadan loo helo, caddaaladdana loo xaqiijiyo."

Booliska Baydhabo ayaa saddex qof u soo qabtay kiiska gabadhaasi, oo laba ka mid ah ay gabdho yihiin iyo nin dhallinyaro ah, kaas oo waardiye ka ahaa goobta laga helay meydkeeda.