Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo shir guddoomiyay kulankiisii ugu horreyay ee taliska

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo daarnaa is xogwareysi iyo kala warqaadasho ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiisha Hoggaanka iyo Hawlgalada ee Militariga Somaliya.

"Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la sii laba jibaaro howlaha la xiriira hawlgalada dib u xoreynta ee lagu dabarjarayo Khawaarijta, sidoo kalena la dardargeliyo shaqooyinka." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Ugu dambayn Taliyaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in laga dhabeeyo, lana hirgeliyo qorsheyaasha hortebinta u leh Taliska Ciidanka XDS."

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee uu shir guddoomiyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo markii 29-kii bishii January loo soo magacaabay xilkan.

Taliyaha ayaa Arbcadii shalay xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Is bedelka ay Dowladda Federaalka ku sameysay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa imanaya, iyadoo uu jiro abaabul iyo digaargarow ciidamada loogu jiheynayo qaybo ka mid ah dhulka ay Al Shabaab ka haysato Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.