Toogasho ka dhacday meel u dhow Aqalka Cad ee Mareykanka
Ugu yaraan laba ka mid ah Ciidanka Ilaalada Qaranka ayaa ku dhaawacmay toogasho galabnimadii Arbacada ka dhacday meel aan sidaasi uga fogeyn Aqalka Cad ee Mareykanka ee Magaalada Washington DC.
Saraakiisha Hay'adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegay in ninkaasi uu weerar gaadmo ah ku soo qaaday ciidamada waddooyinka magaaladaasi bishii August loogu soo daadiyay in ay wax ka qabtaan dembiyada ka dhacaya.
Labada askari ee Ilaalada Qaranka ka tirsan ayaa waxaa la sheegay in xaaladdoodu ay garaab tahay, lana dhigay isbitaalka.
Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in mid ka mid ah askartaasi ay rasaas isweydaarsadeen ninka weerarka soo qaaday, kaas oo markii dambe ay ciidamada u suurtagashay in ay soo xiraan, isagoo dhaawac ah.
Gudoomiyaha Gobolka West Virginia, Patrick Morrisey ayaa mar sii horreysay qoraal ku sheegay in askarta la soo weeraray ay dhinteen, inkastoo uu dib ka saxay warkiisa, isagoona sheegay inuu helay warar is khilaafsan oo ku saabsan masiirkooda.
FBI-da ayaa xaqiijisay in askarta ay nool yihiin, balse ay ku jiraan xaalad halis ah. Wararka ayaa sheegaya in midkood madaxa laga toogtay.
Ninka weerarka gaystay oo hadda xaaladdiisa lagu la tacaalayo isbitaal ku yaala magaalada ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa inuu askarta beegsado.
Ciidamada ayaa weerarka ka dib muddo hakad geliyay dhaqdhaqaaqii aagga Aqalka Cad, si loo xaqiijiyo xaaladda.
Madaxweyne Donald Trump ayaan joogin Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad, xilligii uu weerarku dhacayay. Madaxweynaha ayaa Gobolka Florida ugu maqan munaasabadda fasaxa ee Thanksgiving ama Mahadnaqa.
Madaxweynaha oo bartiisa barraha bulshada ee Truth Social kaga jawaabay dhacdadaas ayaa ballanqaaday in eedeysanuhu uu bixin doono qiimo culus, waana xilli uu qiray in uu si xun u dhaawacmay, taasoo uu sheegay in aan loo eegi doonin.
Toogashadan ayaa dhacday billo ka dib, markii Madaxweynuhu uu Caasimadda Washington ka hawlgeliyay ciidamo ka tirsan Ilaalada Qaranka, si loo xakameeyo waxa uu ugu yeeray dhibaatada dembi.

















