Trump oo mar kale dib u dhigay hawlgalka Mareykanka ee xarumaha tamarta Iran

Madaxweyne Donald Trump ayaa toban maalmood oo kale dib u dhigay qorshihii uu Mareykanku ku beegsan lahaa xarumaha tamarta Iran.
Madaxweynaha ayaa Axaddii muddo 48 saac ah u qabtay Dowladda Iran inay ku furto Marinka Hormuz, haddii kalena ay burburin doonaan warshadaheeda korontada. Iyadoo aan muddadaasi la gaarin ayuu Trump maalintii xigtay sheegay in uu shan maalmood ku daray waqtigaasi, wuxuuna hadalkiisa ka dambeeyay, ka dib markii Iran ay sheegtay in ay iyana garaaci doonto warshadaha saliidda ee gobolka oo dhan.
Madaxweyne Trump ayaa xalay toban maalmood oo kale dib u dhigay waqtiga kama dambeysta ah ee weerarada ka dhanka ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkaasi, isagoo ugu qiil dayaya codsi uu shegay in uu kaga yimid Dowladda Iran.
Trump aaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran ay si wanaagsan u socdaan, walow uu Warbaahinta ku eedeeyay in si aan sax ahayn ay uga warameyso.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa barraha bulshada ee Truth Social ku sheegay in muddada hakinta ee duqaymaha ka dhanka ah xarumaha korontada Iran ay socon doonto, illaa 6-da bisha soo socoto ee April.
Trump ayaa sii wada cadaadiska uu Iran ku saarayo inay ogolaato in maraakiibta shixnadaha saliidda ay ka gudbaan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Trump ayaa isku dayaya in uu Iran ka dhaadhiciyo in ay aqbasho soo jeedintiisa, iyadoo wax heshiis ah oo la gaaray aanu jirin.
Ciidamada Cirka ee Mareykanka iyo Israel ayaa sii wada bartilmaameedyada kale ee ay ka fulinayaan gudaha dalkaasi.
Lama oga, sida Iran ay ku furi karto Hormuz, iyadoo ay weli sii socdaan duqaymaha lagu hayo meelaha ka baxsan ilaha dhaqaalaha ee dalkaasi.
Xirnaanshaha Hormuz ayaa ah wax aanu Trump ka baxsan karin, maadaama uu marinkan tiir dhexaad u yahay sahayda tamarta adduunka iyo deganaanshaha sicirka ee suuqyada caalamiga ah.


