Trump oo muddo 10 illaa 15 maalmood ah u qabtay Iran in ay heshiis ku ogolaato

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa muddo 10-15 maalmood ah u qabtay Dowladda Iran in ay ku ogolaato in heshiis lagaga gaaro barnaamijkeeda sameysashada nuclear-ka, haddii kalena ay wax xun dhici doonaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Tehran ay haysato 10 illaa 15 maalmood, oo ay ku gaarto heshiis nuclear ah ama ay wajahdo, waxa uu ugu yeeray waxyaabo xun xun.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Iran uu siinayo daaqad ay go'aan ku qaadan karto, isaga oo uga digay waxyaabaha xun ee soo socda, haddii heshiis la waayo.
Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay in go'aanku uu ku iman karo maalmo gudahood, haddii buu yiri ay wada-xaajoodyadu fashilmaan.
Waxa uu Iran ugu baaqay in ay ku soo biirto Mareykanka, si looga baaqsado dagaal, balse haddii aysan tanaasul samayn ayuu sheegay in natiijadu ay aad uga duwanaan doonto.
"Ma sii wadi karaan inay halis geliyaan xasiloonida gobolka oo dhan, waana inay sameeyaan heshiis." Ayuu yiri Trump oo xusay "Waxaa laga yaabaa inaan qaadno tallaabo dheeraad ah."
Militariga Mareykanka ayaa kordhinaya joogitaankooda Bariga Dhexe, iyadoo wada hadalada labada dhinac ay weli socdaan.


