Trump oo Netanyahu uga digay inay mar kale weeraraan Qatar

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uga digay in ay mar kale weeraraan dalka Qatar.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Hoggaamiyaha Israel ku booriyay inay ka taxadaraan qaabka ay ula dhaqmayaan Qatar, oo uu ku tilmaamay saaxiib weyn oo Mareykanku uu leeyahay.
Madaxweynaha ayaa farriintiisa uu u dirayo Israel ku muujiyay in ay tahay inaysan ku xadgudbin dalkaasi, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Bariga Dhexe.
Ciidanka Cirka Israel ayaa toddobaadkii hore weerar la yaab leh ku qaaday Magaalada Doha, iyagoona bartilmaameedsaday Xarunta Golaha Siyaasadda Xamaas ee magaaladaasi, waxayna Israel sheegtay in ay beegsatay Madaxda Xamaas, inkastoo Xamaas ay sheegtay in wufuudda ku meteleysa wada hadalada aysan ku dhiman weerarkaasi. Xamaas waxay qirtay in duqaynta lagu dilay shan xubnood oo shaqaalahooda hoose ah.
Duqayntan ayaa ka carreysiisay Qatar iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Iskaashiga Khaliijka Carabta, oo lagu sheego in ay xulafo dhow la yihiin Mareykanka.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Israeliyiinta uga digay inuu soo laabto weerar midkaasi oo kale ah.
"Qatar waa xulafo aad u wanaagsan, dad badanina ma oga taas." Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo dhanka kale muujiyay in Israel ay Madaxda Xamaas ku beegsan karto meelaha kale.
Dalka labaad ay Hoggaanka Xamaas sida firfircoon u joogaan waa dalka Turkiga, wuxuuna Netanyahu ka dheregsan yahay cawaaqibka ay arrintaasi leedahay, haddii ay ku weeraraan.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa goor sii horreysay uga digay Netanyahu in dowladdiisu ay qaadi doonto masuuliyadda, wixii cawaaqib ah ee ka dhasha fara-gelin kasta oo dalkiisa ay ku soo sameeyaan.
Qatar waxay udub dhexaad u tahay wada hadalada Israel iyo Xamaas, wuxuuna weerarkii Doha uu halis gelinayaa in laga wada-xaajoodo hindisihii uu Trump soo jeediyay 7-dii bishan.
Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Israel ku eedeeyay inay iyadu tahay midda diidan in la xaqiijiyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista, laguna soo afjarayo dagaalka Gaza.
Trump ayaa weerarkii Doha ku tilmaamay mid aad u xun, maadaama Xamaas ay dhankeeda carqaladeyn karto dhammaan dadaalada dib loogu soo celinayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
"Farriintaydu waa inay aad iyo aad u taxadaraan." Ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray "Qatar waxay xulafo weyn la tahay Mareykanka."
Qatar oo lagu tilmaamo mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee dhinaca diblomaasiyadda ayaa muddo dheer xulafo dhow la ahayd Mareykanka.