Trump oo sheegay in Ciidamada Mareykanka ay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Iran

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Iran, kaas oo marayay meel u dhow marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markabku uu isku dayay in uu ka gudbo Ciidanka Badda Mareykanka ee fulinaya amarkiisa lagu go'doomiyay Dekedaha Iran.

Madaxweyne Trump ayaa caawa qoraal uu ku daabacay bartiisa barraha bulshada ku sheegay in ciidamadu ay marka hore digniin siiyeen shaqaalaha markabka xamuulka ee TOUSKA, balse markii uu socodkiisu sii watay ayuu sheegay in ay si toos ah u joojiyeen, iyagoo toogtay qaybta matoorka ee markabkaasi, taasna ay keentay in markabka istaago.

Trump ayaa intaasi ku daray in hawlgalku uu ka dhacay Gacanka Cumaan, isla-markaana ay ciidamadu gacanta ku hayaan markabkaasi.

"Waqti xaadirkan, Ciidanka Badda Mareykanka ayaa gacanta ku haya markabka. TOUSKA wuxuu ku hoos jiraa cunaqabateynta Waaxda Maaliyadda Mareykanka, sababtoo ah taariikhdiisa hore ee falalka sharci darrada ah." Ayuu yiri Trump.

Waa markabkii ugu horreyay oo Iran lala xiriiriyo, isla-markaana ay Ciidamada Mareykanka gacanta ku dhigaan, tan iyo markii ay Isniintii bilaabeen hawlgalka lagu xanibayo maraakiibta ku wajahan Dekedaha Iran ama ka imanaya xeebaha dalkaasi.

Markabkan ay Ciidamada Mareykanka gacanta ku dhigeen ayaan ahayn maraakiibta booyadaha shidaalka, balse waa kuwa kale xamuulka ee qaada kunteenarada ganacsiga.