Trump oo sheegay in hawlgalka Iran uu socon karo afar toddobaad

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan dalka Iran uu socon karo afar toddobaad ama ka yar.

"Weerarada militari ee ka dhanka ah Iran waxa ay qaadan doontaa afar toddobaad ama ka yar." Ayuu Madaxweynaha Mareykanka ku sheegay wareysi gaar ah oo dhanka teleefoonka ah oo Axaddii uu siiyay Wargeyska Daily Mail.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay afar toddobaad ugu talagaleen inay ku soo afjaraan duulaankooda hawada ee ka dhanka ah Iran.

"Waxay had iyo jeer ahayd geeddi-socod afar toddobaad ah. Waxaan ku qiyaasnay ​​inay noqon doonto afar toddobaad ama wax ka yar. Iran waa dal weyn, wuxuuna hawlgalku qaadan doonnaa afar toddobaad ama ka yar." Ayuu yiri Trump.

Dhanka kale Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social kaga hadlay duqaynta ay Iran ka gaysatay dalkaasi Kuwait ee lagu dilay saddex ka mid ah Ciidamada Mareykanka, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Trump ayaa ku goodiyay in ay u aargudi doonaan askartaasi, isla-markaana ay dharbaaxo culus u gaysan doonaan Dowladda Iran.

Trump ayaa wareysi kale oo uu siiyay Warbaahinta NBC ku sheegay in ay filayaan khasaare sidaan oo kale ah, inta uu dagaalku socdo.

Trump ayaa qiray in dhimashada saddexda askari ay tahay khasaarihii ugu horreyay ee ciidamada soo gaara, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay, bishii January ee sanadkii 2025.