Trump oo sheegay in Iran ay ku soo wargelisay weerarkeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Dowladda Iran uga mahadceliyay inay soo ogeysiisay dalkiisa, ka hor inta aysan weerarin Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Al Udeid ee dalkaasi Qatar.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadiisu uusan wax khasaare ah ka soo gaarin weerarka ay Iran ku qaadday Taliska Dhexe Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
"Ma jiro qof Mareykan ah oo la dhaawacay." Ayuu yiri Madaxweynaha oo muujiyay in saldhigoodu xitaa aanu burburin.
"Waxaan rabaa inaan Iran uga mahadceliyo, sida ay inoo soo ogeysiisay, taas oo suurtagal ka dhigtay in aan nafo lagu lumin, qofna uusan dhaawacmin." Ayuu yiri Madaxweynuhu oo warkan ku sheegay bartiisa Truth Social.
Madaxweynaha ayaa jeclaan lahaa in Tehran ay ku sii socoto nabadda iyo wada noolaashaha gobolka, si loo dejiyo xiisadda Bariga Dhexe.
Madaxweyne Trump ayaa Israel ugu baaqay inay iyana weerarada joojiso, si la mid ahna Iran ay nabadda qaadato.
"Waxaan si xamaasad leh ugu dhiirigelinayaa Israel inay sidaasi oo kale sameyso." Ayuu yiri Trump oo hadalkiisa ku xoojiyay "Waad ku mahadsan tihiin inaad fiiro gaar ah u lahaataan arrintan."
Qoraal kale oo Trump uu soo dhigay bartiisa barraha bulshada ayuu Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyay dadaalada uu nabadda ugu raadinayo gobolka.
Weerarkan ayaa noqday kiisii ugu horreyay ee ay Iran ku qaaddo mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka, iyadoo ka aargudaneysa weerarka uu Mareykanku Axaddii ku beegsaday goobaheeda nuclear-ka.