Trump oo sheegay in laga yaabo inuu u safro dalka Masar

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo in dhammaadka toddobaadkan uu u safro Bariga Dhexe, isagoo dhinaca kalena sheegay in Israel iyo Xamaas ay ku dhow yihiin inay heshiis gaaraan.

Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii sheegay in laga yaabo inuu dalka Masar u dhoofo Sabtida.

Madaxweynaha oo Wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ayaa waxaa goobtii uu kula hadlayay soo galay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Marco Rubio oo dhegta wax ugu sheegay, isla-markaana u dhiibay warqad uu waday.

Trump oo akhriyay warqadda ayaa sheegay in Rubio uu soo gaarsiiyay warqad uu ugu sheegayo in lagu dhow yahay heshiiska Bariga Dhexe, isla-markaana looga baahan yahay in gobolka uu tago.

Trump ayaa tilmaamay inay u badan tahay inuu gobolka tagi doono, ka hor inta aan maxaabiista la sii deynin ama wax yar ka dib sii deyntooda.

"Waa inaan hadda aadaa, si aan isugu dayo inaan xaliyo dhibaatooyinka qaar ee Bariga Dhexe." Ayuu yiri Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo sii hadlayay ayaa sheegay in safarkiisa uu noqon karo Sabtida ama Axadda.

Wada hadalada aan tooska ahayn ee Xamaas iyo Israel uga socda Sharm El-Sheikh ayaa la xiriira sii deynta maxaabiista iyo ka bixitaanka Ciidamada Israel ee qaybo ka mid ah Marinka Gaza.

Trump ayay u badan tahay in xilli kasta uu ku dhawaaqi karo in la gaaray wejiga koowaad ee heshiiska.