Trump oo sheegay in loo baahan yahay in Xamaas la burburiyo

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo u muuqdo in uu taageerayo qorshaha Israel ay ku dooneyso in ay kula wareegto Magaalada Gaza iyo amniga guud ee Marinka Gaza ayaa waxa uu ku baaqay in la baabi'iyo Ururka Xamaas ee Falastiin.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniintan sheegay in maxaabiista Israel ee lagu haysto gudaha Gaza la sii deyn doono, marka laga adkaado Xamaas.
Trump oo hoggaamiyo dalka ugu weyn ee xulafada caalamiga ah ee Israel, isla-markaana taageerada ugu badan ee dhinacyada militariga iyo maaliyadda siiya Tel Aviv ayaa soo jeediyay in laga horyimaado oo la wajaho Xamaas, isla-markaana la burburiyo.
"Waxaan arki doonnaa oo keliya soo celinta la haysteyaasha harsan, marka Xamaas la wajaho oo la burburiyo, sida ugu dhakhsaha badan ee ay tani u dhacdo, wayna fiicnaan doontaa fursadaha guusha." Ayuu yiri Trump oo warkan ku sheegay bartiisa Truth Social.
"Xusuusnow waxaan ahaa kii wada-xaajoodka ka galay oo helay boqolaal la haysteyaal ah oo la sii daayay, laguna sii daayay Israel (iyo Mareykanka!)" Ayuu yiri Trump.
Trump ayaad mooddaa in uu sii dheereynaya dagaalka Gaza, xilligan oo dadaal badani uu ku bixinayo, sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Ukraine, iyadoo ololihiisii dib u doorahada uu labaduba ballanqaaday in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono.
Warka Trump ayaa imanaya saacado yar uun ka dib, markii Xamaas ay sheegtay inay derseyso hindise cusub oo heshiis xabad joojin ah, oo ay ka heshay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha.
Hindisahan ayaa taageeraya xabad joojin ku-meel-gaar ah oo laga sameeyo Gaza iyo in maxaabiista la is dhaafsado, muddada xabad joojinta KMG ahna in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas iyo in la soo afjaro xukunkeeda Gaza. Xamaas ayaa horey u diiday hindise midkani la mid ah oo uu u soo jeediyay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.
Golaha Wasiirada Israel ayaa 8-dii bishan ansixiyay qorshe lagu ballaarinayo duulaanka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza, isla-markaana lagu qabsanayo Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.
Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa riixaya in la ballaariyo hawlgalka Gaza ee ujeedkiisu yahay in lagu wiiqo awoodda militari ee Xamaas, sidoo kalena lagu qabsado Magaalada Gaza, isla-markaana lagu la wareego amniga Marinka Gaza.
Dadka rayidka ah ayaa ka barakacaya Magaalada Gaza, ka hor duulaanka cusub ee Ciidamada Israel, waana xilli Israel ay xoojisay weerarada xagga cirka ay ka gaysaneyso magaalada ku taala waqooyiga Marinka Gaza.
Dadka rayidka ah ayaa gabaad u raadsanaya deegaanada dhaca koonfurta Marinka Gaza, iyadoona Militariga Israel uu ugu baaqay inay halkaasi taggaan, looguna keeni doono teendhooyinka iyo agabyada kale ee lagu seexdo.
Xukuumadda Netanyahu ayaa waxaa cad inaysan dooneyn in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Gaza, sababtoo ah waxay u aragtaa mid khatar ku ah amniga Israel, haddii dagaalka la joojiyo, iyadoo aan laga adkaanin Xamaas.
Netanyahu ayaa Axaddii ku hanjabay in la fulin doono go'aanka Golaha Wasiirada, si meesha looga saaro in Xamaas ay maamusho Gaza iyo in la xaqiijiyo amniga dhulka sida adag loo go'doomiyay.
Netanyahu ayaa ku goodiyay in dagaalka Gaza uu dhammaan doono, marka ay amnigeeda si buuxda u hoos keenaan Israel.