Trump oo sheegay in maxaabiista Israel qaarkood laga yaabo inay dhinteen

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaki geliyay in ay nool yihiin dhammaan maxaabiistii tiradooda laga warqabay ee lagu haystay Marinka Gaza, waana xilli ay Israel sii xoojineyso duulaankeeda dhulka ay go'doominta ku hayso.

Israel ayaa mar kale isku soo jeedisay indhaha shacabkeeda diidan dagaalka, ka dib markii militarigu uu qaaday guluf cusub oo lagu qabsanayo Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Masuuliyiinta Israel ayaa dhawaan sheegay in Xamaas iyo ururada kale ee iska caabinta Falastiiniyiinta ay gacanta ku hayaan 47 maxbuus, kuwaas oo 20 ka mid ah la aaminsan yahay in ay nool yihiin.

Madaxweynaha Mareykanka oo aad mooddo in uu mucaaradayo weerarka ay Israel ka bilowday Magaalada Gaza ayaa sheegay in uu maqlay in durbaba qaar ka mid ah maxaabiista ay dhinteen.

"Tirada maxaabiista nool waxay ahayd 20, laakiin waxaan u malaynayaa in qaarkood ay dhawaan dhinteen, waa waxa aan maqlayo." Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo intaasi ku daray "Waxaan rajaynayaa inaysan sax ahayn."

Trump ayaa yiri "Waxaan ognahay in ugu yaraan 30 qof ay dhinteen, waxaana ku jirnaa gorgortan, si aan dibadda ugu soo saarno."

Trump ma sheegin isha uu ka soo xigtay xogta ku saabsan dhimashada laga yaabo inay dhawaan dhinteen maxaabiista qaar ka mid ah.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad ayuu sheegay in maamulkiisu uu wada hadal qoto dheer kula jiro Ururka Xamaas ee Falastiin, si loo soo sii daayo maxaabiista harsan.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay, waxa uu ku sheegay xaalad adag oo soo socota.

Guddiga qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa war ay soo saareen Trump uga mahadceliyay dadaal kasta, oo uu ku oofinayo ballanqaadkiisii hore ee ahaa inuu dhammaan maxaabiista soo celin doono.

Israel ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii qaadday olole militari, oo sida ay sheegeen ay kula wareegayaan magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, balse Israeliyiinta ayaa ka waalacsan in waxa lagu sheegay hawlgalka militari ee dhameystiran aanu badbaado lahayn.

Hadalka Trump ayaa dabka ku sii shiday cabsida ay qoysaska iyo ehelada maxaabiista ka muujinayaan in kororka weerarada militari ay soo afjari karaan nolosha dadkaasi.

Xamaas ayaa Jimcihii baahisay muuqaalka laba ka mid ah maxaabiista Israel oo lagu dhex wado gudaha Magaalada Gaza.

Guy Gilboa-Dalal iyo Alon Ohel ayaa shacabka ka codsaday in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu lagu cadaadiyo inuu ka shaqeeyo, sidii lagu soo deyn lahaa iyaga iyo maxaabiista kale ee la xiran.

Waxay ahayd, markii koowaad oo la arko muuqaalka maxbuuska lagu magacaabo Alon Ohel, tan iyo weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 oo la qafaashay ninkaasi.

Nolosha ninkan ayaa rajo badan gelisay qoyska iyo ehelada, mana ahan mid ay ogolaan karaan in ciidamadoodu ay dilaan.

Xamaas ayaa Arbacadii sheegtay inay diyaar u tahay in ay gasho heshiis dhameystiran, oo qayb ka ah sii deynta dhammaan maxaabiista iyo in la soo afjaro dagaalka Gaza, balse Israel ayaa ku gacan seyrtay.