Trump oo sheegay in si degdeg ah uu u dhamaan doono dagaalka Iran
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay sheegay in uu si degdeg ah u dhamaan doono dagaalka ay iyaga iyo Israel kula jiraan Iran, waana xilli militariga labada dal aysan weli xaqiijin yoolashooda dagaalka.
Madaxweynaha ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Miami ka sheegay in Mareykanku uu guul weyn ka gaaray dagaalka, isagoo xusay in la burburiyay Ciidamada Badda iyo Cirka ee Iran, raadaarkoodii iyo nidaamka hawada ee dalkaasi oo sida uu sheegay la curyaamiyay.
Waxa uu sheegay inay baabi'iyeen qiyaastii boqolkiiba sideetan (80%) gantaalada Iran iyo meelaha laga tuuro, isagoona ku faanay inay yaraadeen gantaalada ka soo dhacaya dalkaasi.
"Labadii maalmood ee ugu horreyay dagaalka ayaan tirtirnay." Ayuu yiri Trump oo hadalkiisa ku xoojiyay "Gantaalada ayaa hoos u dhacay, diyaaradaha aan duuliyaha lahayna waxay hoos ugu dhaceen 25%, dhawaana waxay noqon doonaan kuwo aan waxba ahayn."
Trump ayaa sheegay inuu weerar ku socdo xarumaha wax soosaarka diyaaradaha istiraatiijiga ah Iran ee is qarxiya. Drones-ka Iran ayaa door weyn ka qaadanaya weerarada ay fulinayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Iran.
Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay inay jiraan dhowr bartilmaameed oo gudaha Iran oo Mareykanku aanu weli gaarin, kuwaas oo uu hoosta ka xariiqay in ay ku burburin karaan maalin gudaheed.
Trump ayaa tilmaamay in uu isku diyaarinayo inuu soo geba-gabeeyo hawlgalka militari ee ka dhanka ah Iran, isaga oo aan sheegin wax waqti ah, waxaase uu xusay in uu xaqiijin doono in Iran aysan samayn karin hub ay ku weerarto Mareykanka, Israel iyo xulafada kale ee Mareykanka, muddo dheer.
Trump ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Iran ay hadda haystaan tiro yar oo gantaalo ah oo ay adeegsan karaan.
Hadalkiisan ayaa imanaya, xilli Sabtidii uu wacad ku maray in weerarada ay ku hayaan Iran ay xoogeysan doonaan toddobaadkan, ka gadaal markii Madaxweyne Masoud Pezeshkian uu Trump ku gacan seyray dalabkiisii Jimcihii, ee ahaa in dalkiisu uu is dhiibo.
Mareykanka iyo Israel ayaa 28-kii bishii February ku duulay Iran, si loo rido nidaamka ka arrimiya dalkaasi, isla-markaana loo wiiqo awoodda Ciidamada Iran, hadafyadaas oo aysan illaa iyo hadda ka guul gaarin.










