Trump oo sheegay inuu doonayo in si dhakhsa ah xaaladda Gaza wax looga qabto

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in uu arko xaaladda Gaza oo si degdeg ah u degta, iyadoo la dhameynayo dagaalkan lagu hoobtay, ka dib weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee Isniintii ka dhacay Isbitaalka Nasser ee koonfurta Marinka Gaza. Labaatan qof ayaa ku dhimatay weerarkan oo shan ka mid ah ay Saxafiyiin ahaayeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax badan uu arrinta Gaza kala hadlo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, isla-markaana uu u sheegay in si dhakhsa ah uu u xaliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo xaaladda gaajada ah iyo dhibaatooyinka kale ee bani'aadantinimo ee ka jira Gaza.
Madaxweyne Trump ayaa waxa uu tilmaamay in uu jiro cadaadis xoog leh oo diblomaasiyadeed, kaas oo lagu dalbanayo in lagu soo afjaro dagaalka Gaza, laguna sii daayo maxaabiista Israel ee halkaasi lagu haysto.
Waxa uu saadaaliyay in saddex toddobaad gudahood lagu soo afjari doono dagaalka muddada labada sano ku dhow ee ka socdo Marinka Gaza.
"Way dhammaaneysaa." Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo intaasi ku daray "Waxaan u malaynayaa in labada illaa saddexda toddobaad ee soo socda ay yeelan doonto geba-gabo aad u qurux badan."
Trump waxaa lagu tilmaamaa, haddiiba hoggaamiye ajnabi uu jiro in uu yahay kan keliya ee Israel ka joojin kara dhiigga ay dabeecadda ka dhigatay inay daadiso.
Trump ayaa hoggaamiya dalka taageerada ugu badan ee militari iyo midda maaliyadeedba siiya Israel, isla-markaana ku difaaca Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Dunida ayaa dagaalka Israel ee Gaza ku sifeysay mid ka dhan ah dadka rayidka ah, isla-markaana aanu ahayn dagaal ay Israel kula jirto Xamaas iyo ururada kale ee iska caabinta ee ka biyo diidan in ciidamadeeda ay qabsadaan Gaza.
Dagaalkan ayaa Israel ka horkeenay dunida, xitaa xulafadeeda reer Yurub, Canada, Australia iyo New Zealand, balse Mareykanka oo garabkeeda aan ka bixin ayaa ah halka ay illaa iyo hadda ka liici la'dahay.