Wada hadaladii Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka oo lagu kala tagey

Wada hadaladii Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, loogana hadlayay in xal laga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay ayaa lagu kala tagey, ka dib markii aan la helin tanaasulkii looga baahnaa in laga sameeyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo dhameystirka Dastuurka KMG.
Golaha Mustaqbalka oo ah isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka, isla-markaana ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa warsaxaafadeed ay Isniintan soo saareen ku sheegay in wada hadalada ay miro dhali waayeen, iyagoona sababta dusha uga tuuray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
"Golaha Mustaqbalka Somaliya wuxuu ka xun yahay in uu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyo in wada-xaajoodkii ay kula jireen Dowladda Federaalka uu ku soo dhammaaday natiijo la'aan. Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Warsaxaafadeedka ayaa waxa kaloo lagu yiri "Goluhu wuxuu wada hadalka ku galay niyad wanaag iyo in dalka looga turo xaaladda adag ee uu ku sugan yahay sida abaaraha ba'an, kala qaybsanaanta, culeysyada dhaqaale iyo saamaynta uu isbedelka nidaamka caalamiga ah iyo loolanka juqraafi siyaasadeedku ku yeelan karo dowlad dhiska iyo midnimada dalka. Goluhu wuxuu kaloo xil weyn iska saaray ka hortagga hubanti la'aanta siyaasadeed iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, waqtigeedana si nabdoon ugu qabsoomta, ka hor inta aysan dhammaan muddo xileedka sharciga ah ee hay'adaha dastuuriga. Goluhu wuxuu wada hadalka ka qaybgalay isaga oo aan ku xirin wax shuruud ah, diyaarna u ahaa tanaasul kasta oo horseedaya xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qaran."
Golaha Mustaqbalka ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay "Goluhu wuxuu wada-xaajoodka ku jiray iyada oo ay dowladdu sii wadday wax ka bedelka halka dhinac ah ee dastuurka, iyadoo Baarlamaanka si sharci darro ah loo diiday in ay ka qaybgalaan in ka badan 50 Xildhibaan, isla-markaana lagu kacay handadaad iyo cabsi gelin amni. Muddadii wada hadaladu socdeen waxaa cadaadis amni iyo mid siyaasadeeedba la saaray xubnaha golaha, waxaana Warbaahinta lagu faafiyay sheekooyin sumcad dil xambaarsan, tallaabooyinkaas oo dhammaantood wiiqayay kalsoonida iyo niyad samida wada hadalka."
Xudunta is mari-waaga labada dhinac
Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka wuxuu goluhu uu waxyaabaha keenay is mari-waaga uu ku soo koobay saddex qodob oo kala ah:-
1: Goluhu wuxuu ku adkeystay in Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012 uu yahay aasaaska sharciga ah ee dalka u degsan, wax ka bedelkiisuna u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay, wadatashi dadweyne oo dhab ah iyo in la ilaaliyo dheelitirka awoodaha labada heer ee federaalka. Dhanka kale dowladddu waxay taa bedelkeeda ku adkeysatay in aysan cidna u joojineynin.
2: Goluhu wuxuu ku adkeystay in doorashada Dowlad Goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad Goboleedyada iyo mabaadi'da Dastuurka Federaalka ee kala soocaya awoodaha laba heer ee dowladda. Taa bedelkeeda dowladdu waxay dooneysaa in Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan dastuurka wax ka bedelkiisa la isku haysto, iyada oo Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada la hoos gaynayo Guddiga Doorasho ee Federaalka, loona qabto sidii tii ku shubashada ahayd ee sanadkii hore ka dhacday Gobolka Banaadir.
3: Goluhu wuxuu soo bandhigay baahi loo qabto, ka hor 15-ka April in la gaaro heshiis siyaasadeed, kaas oo ku saabsan hannaanka Doorashada Baarlamaanka Federaalka, jadwalka iyo maamulka si loo xaqiijiyo doorasho hufan, loo dhan yahay, ka metelaad ballaaran kuwii hore, laguna fulin karo muddada dastuuriga ah ee harsan, halka dowladdu soo jeedisay in guddigu ku ekaado talabixin aan lahayn wax awood go'aan gaaris ah.
Dhanka kale Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka mid ah Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa wareysi uu BBC ku sheegay in goluhu uu weli diyaar u yahay wada hadal, inkastoo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu maanta ka dhoofay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan labada xafiis ee dalka ugu sarreya waa Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa inoo sheegay in ay jiraan fursado ay weli wada hadaladu ku sii socon karaan.
Dhinacyada ayaa waxay ogyihiin in Beesha Caalamka aanay marnaba joojin doonin cadaadiska ay ku saareyso in ay go'aan ka gaaraan jiheynta jihada siyaasadeed ee dalka.
Sii socoshada wada hadaladu waxay ahmiyad u leeyihiin in Soomaalida dhexdeeda ay go'aamiso jihada halkan looga dhaqaaqayo, taasna waxay ku xiran tahay in la gaaro heshiis loo dhan yahay, si dalka looga badbaadiyo dib-u-dhac.


