Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo laga hor istaagay inuu galo Degmada Awdheegle

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba ayaa maanta laga hor istaagay in uu gudaha u galo Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka oo maalintii 3aad ku sugan duleedka degmadaasi ayaa Saraakiisha Ciidamada Militariga iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ku eedeeyay in ay ka masuul yihiin tallaabada loogu diiday safarkiisii uu ku booqanayay degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa 4-tii bishan maleeshiyada Al Shabaab ka saaray degmadaasi, ka dib muddo ay ku howlanaayeen, sidii ay uga xorayn lahaayeen degmadaasi.

Wasiirka Diinta & Awqaafta ayaa sheegay in uu degmada ugu socday, si uu uga qayb qaato duruufaha ka jira, oo ay ugu horreyso dib u soo celinta dadkii deegaanka ee la barakaciyay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Awdheegle ay tahay deegaan doorashadiisa, isla-markaana ay la socdeen Gudoomiyaha Degmada Awdheegle, Liibaan Cabdiqaadir Mayow iyo Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Maxamuud Sayid Axmed (Saakow), balse loo sheegay in aysan soo geli karin, sababtu tahay in aan amnigooda la damaanad qaadi karin.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay duleedka Awdheegle ayaa Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hosoe ku eedeeyay in ay siyaasadeeyeen booqashadooda.

Wasiirka ayaa xusay in markii ay 2km u jireen magaalada uu la hadlay Taliyaha Guutada 14-ka October, isla-markaana uu ku wargeliyay inay soo socdaan, laakiin markii ay magaalada ku dhawaadeen uu ciidamo ka horkeenay.

"Taliyaha Guutada waan la hadlay, waxaan ku iri taliye haddii ay jiraan caqabad maamul oo idiin haysata, annaa soo socda, idinka iyo maamulkiinana annaa isku kiin waafajinayo. Taliyaha Guutada wuxuu igu yiri amnigaaga ma damaanad qaadi karo. Waxaan ku iri ciidan ugu filan waan wataa, degmadana degmadeedii waaye, deegaan doorashadeedii waaye, dadkana waan metelaa." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray in hal kiilo-mitir markii ay magaalada u jireen uu Taliyuhu soo diray ciidamo roondo ah, kuwaas oo sida uu sheegay uu amar ku siiyay inay la dagaalamaan, haddii ay u soo dhaqaaqaan dhinaca magaalada.

"Ciidamadii waxay noo sheegeen in Taliyuhu uu yiri haka soo amarqaato Wasiirkiisa Amniga iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, ayagaa diiday inuu degmada soo galo. Gudoomiyaha haddaan waco teleefankiisa kama jawaabayo, waan wacayaa igama qabanayo, wuuna igu mashquulinaa." Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "Ciidamada waxay yiraahdeen Taliyaha Guutada wuxuu amar nagu siiyay inaadan degmada soo gelin, welibana uu u sheegay inaan bartilmaameed nahay."

Wasiirka oo sii hadayay ayaa sheegay in uu la xiriiray Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed, isla-markaana uu Wasiirku iska fogeeyay inuusan wax shaqo ah ku lahayn arrintan.

Wasiir Nuur Siidow ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in ay wax ka qabtaan siyaasadeynta lagu sameynayo booqashadooda Awdheegle.

"Anigoo intaas oo habeen dhaxanta duurkan ugu jiifanayay oo rafaadka ugu jiray in degmadii 1km ii jirto, ciidan horteeda la dhigo la yiraahdo degmadii ma galeysid, runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay." Ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku xoojiyay "Madaxda iga sarreysa dhammaan waxaan gaarsiinayaa farriin ah in Degmada Awdheegle caqabad culus ay ka taagan tahay, ayna tahay mid halisteeda leh."