Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Rubio oo la kulmay Netanyahu
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo booqasho ku jooga Israel ayaa la kulmay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Warbaahinta Israel ayaa waxay sheegtay in labada nin ay Axaddan ka wada hadleen xaaladda Gobolka Bariga Dhexe, oo ay ugu horreyso carrada ka dhalatay weerarkii ay Israel Talaadadii ka gaysatay dalka Qatar.
Labada nin ayaa la sheegay inay ku soo cibaadeysteen Darbiga Galbeed ee Magaalada Qudus (Jerusalem).
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ay muujineyso xiriirka Mareykanka iyo Israel, oo uu ku sheegay mid xoogan oo waari doona.
"Waxaan u malaynayaa in booqashadiisa halkan ay caddeyn u tahay waaritaanka isbahaysiga xoogga badan ee Israel iyo Mareykanka." Ayuu yiri Netanyahu oo Wariyeyaasha kula hadlay Jerusalem.
"Xiriirkeennu wuxuu u xoog badan yahay, sida dhegxaanta Darbiga Galbeedka ee hadda uu taabtay." Ayuu yiri Netanyahu oo bogaadiyay xiriirka ay la leeyihiin Madaxweyne Donald Trump iyo Wasiir Rubio.
Warbaahinta Israel ayaa waxay sheegtay in Wasiir Rubio aanu ka hadlin shirka jaraa'id ee Hoggaamiyaha Israel uu ku qabtay Jerusalem.
Wasiir Rubio ayaa mar sii horreysay sheegay in Mareykanku aanu ku faraxsaneyn weerarkii dhawaan ay Israel ku qaadday magaalo madaxda dalka Qatar ee Doha.
"Sida iska cad kuma faraxsanin arrintaas, Madaxweynuhuna kuma farxin arrintaas." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo dhanka kalena sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid xoogan, tani oo ka dhigan in weerarku aanu waxba ka bedeli doonin dabeecadda xiriirka Mareykanka iyo Israel.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa tebineysa in Aqalka Cad ee Mareykanka uu doonayo in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo in maxaabiis is dhaafsi la sameeyo, si loo dejiyo xiisadda gobolka ee salka ku haysa dagaalkan ka sii socdo Marinka Gaza.
Rubio ayaa safarkiisa ka hor sheegay in uu jawaabo ka raadin doono Madaxda Israel, oo ku aaddaan sida ay u arkaan dariiqa loo mari karo in la soo afjaro dagaalka Gaza, ka dib xiisadda cusub ee ka dhalatay weerarkii ay ku beegsadeen Xarunta Golaha Siyaasadda Xamaas ee Magaalada Doha.
Weerarkan ayaa sii huriyay xiisadda gobolka, wuxuuna carqaladeeyay dadaaladii caalamiga ahaa ee xalka loogu raadinayay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, isla-markaana la sii daayo maxaabiista.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in markii ay duqaynta dhaceysay ay Saraakiisha Xamaas ka arrinsanayeen hindisihii xabad joojinta Gaza ee Madaxweynaha Mareykanka uu soo jeediyay 7-dii bishan.
"Hadda waxaan u baahanahay inaan hore u socono oo aan ogaano waxa soo socda." Ayuu yiri Wasiir Rubio, ka hor socdaalkiisa Israel.
Rubio ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in mudnaanta Madaxweyne Trump ay tahay in la soo celiyo maxaabiista Israeliyiinta iyo in la dhameeyo colaadda Gaza.