Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka oo la kulmay dhiggiisa Israel

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa Xarunta Pentagon-ka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant, kaas oo ay ka wada hadleen duulaanka Israel ee Marinka Gaza, xaaladda adag ee bani'aadantinimo ee ka taagan dhulka go'doonsan iyo khataraha amniga gobolka.

Wasiirka Difaaca Mareykanka ayaa dhiggiisa Israel ka dalbaday in Tel Aviv ay ka baaqsato duulaanka uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku adkeysanayo in lagu qaado deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza iyo in ay ogolaato in gargaar macno leh uu gaaro dadka rayidka ah, si looga hortaggo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay in dadka reer Gaza ay qarka u saaran yihiin.

"Marinka Gaza maanta tirada dadka rayidka ah ee lagu waxyeeleeyay aad bay u badan tahay, gargaarka bani'aadantinimo ee gelayana aad buu u yar yahay." Ayuu yiri Austin oo intaasi ku daray "Waxaan u baahanahay in si degdeg ah garagarka loo kordhiyo, si aan uga hortagno macluusha."

Netanyahu ayaa bartamihii bishan saxiixay amar ay Ciidamada Israel hawlgal dhinaca dhulka ah uga bilaabayaan Rafah, oo ay gabaadsanayaan qiyaastii 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo laga soo barakaciyay guryahooda. Hawlgalka Rafah ayaa sababi kara in mar kale uu khasaare weyn dadka rayidka ah ka soo gaaro weerarada xargaha goostay ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Gaza, waana sababta uu Mareykanka ugu mowqif noqday Midowga Yurub iyo dunida inteeda kale, oo si weyn uga qaylo dhaamiyay go'aanka uu ku madax adeygayo Netanyahu.

Marka laga soo taggo weerarada arxan-darrada ah ee Israel, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Israel ay sida hubka oo kale u adeegsaneyso gaajeysiinteeda dadka rayidka ah.

Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeysay in ay Gaza ka sameynayso masiibo aan dabiici ahayn oo gacan ku sameys ah, taas oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah, ahna dembi dagaal. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ku celceliyay in gaajeysiinta dadka aan waxba galabsan ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda ay Israel ku dooneyso in ay xididada ugu siibto Xamaas.

Israel ayaa si adag u beenisay in ay xanibeyso gargaarka bani'aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay.

Wasiirka Difaaca Israel oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa sheegay in Tel Aviv ay macno weyn u leedahay xiriirka kala dhaxeeya Washington, isagoo isku dayaya in uu hoos u dhigo xiisadda cirka isku sii shareereysa ee labada dhinac.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in marka uu dhabaado dagaalka ay tahay in la helo maamul ka madaxbannaan Israel iyo Xamaas oo maamula Marinka Gaza, waana war ka duwan warkii Netanyahu uu ku sheegayay in Israel ay iyadu mustaqbalka maamuli doonto Gaza.

Mareykanka iyo Israel ayaa u muuqanaya kuwa sii kala foganaya, ka dib habdhaqanka khalafsan ee Netanyahu oo Washington ay u muuqato mid ka daashay.

Ka dib qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee lagu dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza ayuu Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel baajiyay booqasho la qorsheeyay in wafdi ka socdo xafiiskaasi ay ku taggaan Mareykanka, si dhinacyadu uga wada hadlaan hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah.

Duulaanka Israel ee Gaza iyo sida aan kala sooca lahayn ee ay ciidamadeeda ugu beegsanaayan dadka rayidka ah ayaa carro ka dhalisay Bariga Dhexe iyo caalamka.

Mareykanka ayaa intii uu dagaalkan socday waxa uu dal iyo dibadba kala kulmayay cadaadis looga dalbanayo in Israel ay joojiso bartilmaameedyadeeda ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

Ciidamada Israel ayaa intii uu dagaalka socday dilay in ka badan 32,414 qof, halka in ka badan 74,780 kalena ay dhaawaceen.

Mareykanka ayaa goor dambe ku soo baraarugay in Israel ay iska horkeenayso Washington iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, waana Mareykanka oo haatan iftiimiyay inaanu Israel oo keliya wax dan ah ka lahayn.