Weerar xagga cirka ah oo galabta ka dhacday Tardo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta ay duqayn ka dhacday nawaaxiga deegaanka Tardo ee bariga gobolkaasi.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya goobta la bartilmaameedsaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in la garaacay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab, halka warar kalena ay sheegayaan in la duqeeyay guri, kaas oo aysan jirin cid sheegi karta cidda ku sugneyd.

Dadka reer Tardo ayaa kuu sheegaya in ay maqleen laba gantaal, oo diyaaradihii weerarka fuliyay ay adeegsadeen.

Al Shabaab ayaa 13-kii bishii July la wareegtay gacan ku haynta Tardo, oo ku taala inta u dhaxeyso Degmooyinka Moqokori iyo Jalalaqsi.

Shabaabka ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaankan, maalmo yar uun ka dib, markii ay dagaal culus ku qabsadeen degmada istiraatiijiga ah ee Moqokori.

Duqayntan ayaa waxaa cad inay gaysteen saaxiibada caalamiga ah, waxayna u badan tahay in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ama Mareykanka, midkood, waana labada dal ee sida joogtada ah Ciidamada Soomaaliyeed uga caawiya hawlgalka hawada.

Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Militariga Somaliiya ayaan weli ka hadli duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Gobolka Hiiraan.