Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka oo dalbaday in sharaxaad laga siiyo weerarka Saldhigga Al Udeid

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa dowladda dalkaasi ka dalbaday in sharaxaad laga siiyo weerarka ay Iran ku qaadday Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Al Udeid ee dalkaasi Qatar.

Hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Chuck Schumer ayaa sheegay in uu arkay wararka sheegaya in Iran ay gantaalo ku weerartay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al Udeid.

Chuck Schumer ayaa sheegay in weerarka ay Iran ku bilowday Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe ay halis gelineyso nolosha askartooda, isagoona dowladda weydiistay in warbixin laga siiyo weerarkii caawa.

Waxa uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka dalbaday in si qarsoodi ah loola wadaago warbixinta weerarka, sirta ka dambeysa aargoosiga Iran iyo waqtiga uu Mareykanka ka jawaabayo weerarkaasi.

Schumer ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu u baahan yahay in uu la tashado Congress-ka Mareykanka, ka hor inta uusan qaadin tallaabo militari oo ka dhan ah Iran.

Militariga Mareykanka ayaa qoraal ku sheegay in illaa iyo hadda la weeraray saldhigooda dalka Qatar oo keliya, isla-markaana aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Washington ay ka warqabtay weerarka Tehran, isla-markaana isku-duwidda Iran iyo Mareykanka, iyadoo loo marayo hab diblomaasiyadeed ay sahashay in Mareykanku uu goor horeba ciidamadiisa iyo qalabka ugu muhiimsan ee militariga oo diyaaradaha dagaalka ay ku jiraan uu ka daadgureeyo saldhigaasi, si loo yareeyo khasaaraha.

Saldhigga Al Udeid ayaa ah Xarunta Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ee Bariga Dhexe, kaas oo ku yaala saxaraha koonfur galbeed ee Magaalada Doha.

Waa weerarkii ugu horreyay ee Iran ku qaaddo mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka, iyadoo ka aargudaneysa weerarkii Mareykanku uu Axaddii ku qaaday goobaheeda nuclear-ka.