Cali Jeyte: Guryo badan oo Shabaab leeyahay inay bannaanaadaan baa ballan igu ah
Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte Cismaan oo hoggaaminaya hawlgalka ka socdo gobolkaasi ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka, Nabad Sugidda iyo kuwa Macawiisleyda oo gacan ka helaya Militariga Jabuuti ay wadaan hawlgal gobolka lagaga sifeynayo maleeshiyadaasi.
Cali Jeyte oo Warbaahinta kula hadlay jiidda hore ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen Shabaab badan, oo ay ku jiraan ajaaniiib iyo amiiro.
"Waxyaabaha aan rabo dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago ayaa waxay yihiin ajaaniib baa dagaalka ku dhimatay. Dad ajnabi ah oo aan Soomaali ahayn baa halkaa ku jira buuraha dhexdooda ah, oo aniguba aan lafahayga ugu noolaan karin kayntaas inaan ku noolaado aysan suurtagal iga ahayn baa qof ajnabi ah oo meel uu ka yimid aan la garaneyn oo wax uu u socdo aan la garaneyn baa buurtaas shalay dadkii ku dhintay uu ku jiray ee Shabaabka ah. Amiiro badan baan uga burburinay runtii. Qaar aan deegaankoodu halkan ahayn oo khataro badan ku hayay dadka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay meesha, inta hartay haddii Alle idmo waa laga sifeynayaa." Ayuu yiri Cali Jeyte.
Waxa uu tacsi u diray qoysaska askartii dhankooda kaga dhimatay iyo kuwii kale ee kaga dhaawacantay gulufka ballaaran ee ay ciidamaadu ka wadaan gobolkaasi.
Isaga oo sii hadlayay ayuu ku hanjabay in ay u aargudi doonaan askartaasi iyo dadka kale ee shacabka ah ee horey ugu baxay gacanta Shabaabka, waxaana uu sheegay in dhiigoodu aanu noqon doonin mid meel cid ah ku daata.
"In guryo badan bannaanaadaan baa ballan Ilaahay igu ah, haddii Ilaahay yiraahdo oo Shabaab leeyahay. Guryo badan oo Shabaab leeyahay inay bannaanaadaan baa ballan Ilaahay ah." Ayuu yiri Cali Jeyte oo intaa raaciyay “Waxaan u ballanqaadayaa haddii Alle idmo inaan u aarayno oo gacan xanuun badan aan gaysanayno. Ma noqon doonto in dhiigoodu inta daato ay iska taggaan, ma dhici doonto.”
Waxaa uu Shabaabku ugu yeeray inay joojiyaan sida uu yiri labada baqo, oo midkoodna ay daayaan.
"Labada baqo mid ha daayaan. Soo orodka iyo sii orodka mid uun ha daayaan." Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, isagoo tixraacaya in dhulka uu hadda hawlgalka ka socdo ay horey uga saareen Shabaabka, balse ay mar dambe ku soo laabteen.
Dhanka kale Cali Jeyte ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan inay iska kaashadaan la dagaalanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.
Jeyte ayaa ku waramaya in Somaliya aysan heli doonin wax xasillooni ah, inta maleeshiyada Al Shabaab ay dalka ku sugan yihiin.
"Waxaan rabaa dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan aan ku wargeliyo, war haddii masiibo timaado waa la wajahaa, waa leeska kaashadaa, wax uun baa la isku dayaa. War meeshaan masiibaa taala, oo maxay tahay? Waa Shabaab. Ma ahan kuwa halkan ku jira oo keliya. Aslanba inta Shabaab Somaliya joogo, Somaliya ma degayso, maba degaysaba." Ayuu yiri Jeyte.
Jeyta ayaa yiri "Ha lagu dhiirado ayaan leeyahay, waa fayris, waa cadow, waa dilaa, suulin buu u baahan yahay."
Hadalka Jeyte ayaa imanaya, iyadoo ciidamadu ay horumar ka sameynayaan hawlgalka ballaaran ee maalintii lixaad ka soconaya Gobolka Hiiraan.