Dowladda Federaalka oo sheegtay in 60 Shabaab ah lagu dilay Gobolka Hiiraan

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay in hawlgal ka dhacay Gobolka Hiiraan ay ciidamadu ku dileen in ka badan 60 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo ka dhacay tuulada Hilow Bacaad oo 8km dhinaca koonfur galbeed kaga beegan deegaanka Halgan ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda iyo saaxiibada caalamiga.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay hawlgalka ku bartilmaameedsadeen goob ay isu uruursanayeen maleeshiyadaasi.

"Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku uruursanayay tuuladan, isla-markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qaybo ka mid ah bartamaha Somaliya." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. 

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen saanad ciidan iyo gaari dareemo ay Shabaabku ku wadeen hub iyo walxaha qarxa.

"Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale burburiyay saanado ciidan iyo gaari dameero ay ku wadeen hub iyo waxyaabaha qarxa. 

Dowladda Somaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an dhameystirka hawlgalka ciribtirka Khawaarijta, kaas oo hadda laga gaaray guulo badan." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.