Fiqi oo sheegay in diyaarado ka kaca Boosaaso ay taggaan Suudaan
Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya ayaa qiray in ay jiraan diyaarado ka duula Garoonka Magaalada Boosaaso oo wax geeya dalal ay ka mid yihiin Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan.
Wasiirka ayaa tilmaamay inaysan garaneyn waxa diyaaraduhu ay geeyaan dalalkaasi, isagoona sheegay inay taasi u baahan tahay in la xaqiijiyo.
"Wax la buunbuuninayo ma ahan in diyaarado meeshaasi ka duula ay Chad, Niger iyo galbeedka Suudaan ay wax geeyaan. Maxay geeyaan oo qaadaan? Ma garanayno annaga, taasi waxay u baahan tahay in la xaqiijiyo, waxa meeshaasi la geeyo." Ayuu yiri Wasiirka oo maanta ka qaybgalay kulan ay su'aalo ku weydiinayeen Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Wasiir Fiqi ayaa intaasi ku daray in warbixinadu ay sheegayaan in niman Colombian oo calooshood u shaqeyteyaal ah laga qaado Garoonka Boosaaso, balse aanay iyagu wax caddeyn ah u haynin.
Wasiir Fiqi ayaa sheegaya in ay ogyihiin in diyaarado ka duula Boosaaso ay wax geeyaan galbeedka Suudaan oo kale, laakiin aysan sheegi karin waxa ay wadaan.
Fiqi ayaa xusay in Hay'adaha Dowladda Federaalka ay baaritaan ku wadaan agabyada laga qaado Boosaaso, warbixina laga soo saari doono.
"Dalka Suudaan iyo dowladdiisa runtii duulaan xoogan baa lagu qaaday, waana u tacsiyeynaynaa." Ayuu yiri Fiqi.
Warbaahinta ayaa billihii u dambeeyay ka hadleysay in Garoonka Boosaaso la marsiiyo saad ay Dowladda Emirate-ka Carabta ugu talagashay Xoogaga RSF ee dagaalka kula jira Militariga Suudaan.
RSF oo la sheego in dhawaan ay taakulo xoog leh ka heshay Abu Dhabi, iyadoo meelo kala duwan u soo marsiineysa ayaa 26-kii bishii October Militariga Suudaan kala wareegtay Magaalada El-Fasher ee Xarunta Gobolka Darfur.













