Wasiir Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo hortagey Golaha Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka qaybgalay kulanka Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee maanta uga socda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa marka hore golaha uga warbixiyay arrimo u badan difaaca dalka, la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo tayayntooda.

Senatorada ayaa goor dhow bilaabay inay wax ka weydiiyeen dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay iyo xaaladda uu hadda dalka marayo.

Wasiir Fiqi ayaa warbixintiisa ku sheegay in khasaaraha kooxaha argagixisada loo gaystay laga soo bilaabo bishii February uu ka badan yahay midkii la gaarsiiyay labadii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tan iyo bishii February in 220 duqayn laga fuliyay min Gobolka Jubbada Hoose illaa Buuraleyda Gobolada Bari iyo Sanaag.

"Waxaa lagu dilay qiyaastii 868 rikoorka inta la hayo oo kooxaha argagixisada ah. Waxaa ku jiray 52 hoggaamiyeyaashii dagaalka ah oo Daacish iyo Al Shabaab isugu jira." Ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa yiri "Waxa ay hadda Khawaarijtii ku sugan yihiin runtii xaalad dhabar jab xoogan, maadaama hoggaankoodii dhexe ay meesha ku dhinteen."

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Difaaca ayaa qiray in dagaalka sidiisaba uu yahay wax dhib badan, kan lagu la jirana kooxaha argagixisa uu culeyskiisu ka badan yahay, oo uu gaysanayo khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh.

Wasiir Fiqi ayaa sheegaya in iyadoo duruufo badan ay ku gadaaman yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, marka aad eego dhanka dhaqaalaha iyo inaysan bulshada oo dhami u dhameen ay haddana ka shaqeynayaan, sidii dalka looga saari lahaa kooxahaasi.