Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo ka sii daraya

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa muuqata inuu ka sii darayo, ka dib markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Isniintii mar saddexaad loo doortay Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaana qaadeyso tallaabooyin ay cadaadis dheeraad ah ku saareyso maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo doortay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi, taas oo baalmarsan qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah, laguna mideynayay Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka, tan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inay doorashadu noqoto mid qof iyo cod ah. Waxay kaloo ka hor imaaneysaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee ay horey ugu gaareen in la dhiso hal guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.

Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo si weyn uga hortimid doorashada 25-kii bishan ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa dib u doorashadii Axmed Madoobe ku tilmaamtay mid sharci darro ah, waxayna Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Golaha Wasiirada Somaliya oo habeenkii Isniinta soo saaray qaraar saddex qodob ka kooban ayaa Garyaqaanka Guud ee Qaranka ka dalbaday in uu si degdeg ah Maxkamadda Sare ee Dalka u horkeeno dacwad ka dhan ah doorashada sharci darrada ah ee Axmed Maxamed Islaam lagu eedeeyay in uu ku kacay.

Ilaha ku dhow dhow labada xafiis ee dalka ugu sarreya ayaa sheegaya in Villa Somalia aanay marnaba aqbali doonin wax kasta oo liddi ku ah in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Arbacadii soo saartay waaran soo qabasho ah oo lagu soo xirayo Axmed Madoobe. Maxkamadda ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed weydiisatay in ninkaasi la horkeeno sharciga, ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay fal dembiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka.

Dowladda Federaalka ayaa maanta mar kale waxay ciidamo gaysay deegaanka Raaskambooni oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii toddobaadkan ay halkaasi gaysay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad. Ciidamada maanta halkaasi la geeyay oo diyaarad looga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu sidoo kale Raaskambooni ka dejiyay diyaarado sida hub, rasaas iyo qalab kaloo ciidan.

Saraakiisha Jubbaland ayaa dhankooda ciidamo fara-badan doomo ku geeyay daafaha Raaskambooni. Ciidamadan ayaana ka ambabaxay Dekedda Kismaayo.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa tuhunsan in ciidamada lagu daabulayo Raaskambooni ay soo weerari karaan Magaalada Kismaayo iyo inay ku duuli karaan deegaanada kale ee ay ciidamadeeda kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Jubbaland ay dooneyso in ciidamadu aysan halkaasi u soo dhaafin Magaalada Kismaayo, xitaa haddii ay dagaal noqoto in laga hortago.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada ay dowladdu Raaskambooni gaysay oo deegaanka u dhashay ayaase wada qorshe ay ku kala furfurayaan Saraakiisha iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, iyagoona ballanqaadyo u sameynaya. Daraawiishta Jubbaland waa ciidanka ugu badan ee maamulkaasi uu leeyahay.

Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo Khamiistan ka hor hadlayay ciidan la sheegay inay ka soo goosteen Jubbaland ayaa isagoo kaamirooyinka eegaya sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada ku soo biiraya.

"Ciidankan waa ciidankii nagu soo biiray ee inaga soo horjeeday. Fiiriya bal, waa raggii naga soo horjeeday, waa la buuxaa." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay "Hadda waxaan rabnaa kuwa kale ee ayaga ka dambeeya inaan keeno, si nabadgelyo ahna inaan ku keeno, haddii Ilaahay yiraahdo."

Saraakiisha Militariga ayaa waxay galabta ciidan kale ku soo bandhigeen gobolka, ka dib markii la sheegay inay iska soo dhiibeen aagga deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi.

Qorshahan lagu kala qaybinayo Ciidamada Jubbaland ayaa qayb ka ah siyaasadda ay Villa Somalia cadaadiska ugu kordhineyso Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in Villa Somalia ay riixeyso in Axmed Madoobe uu ka tanaasulo doorashadaasi, isla-markaana uu dib ugu soo laabto Madasha Wadatashiga Qaran, oo ah madal ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada kaga hadlaan arrimaha masiiriga ah ee daka.

Axmed Madoobe oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ee maamulkiisa ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu jeedinayo eedeymo la xiriira in ay laashay jiritaanka Dowlad Goboleed xubin ka ah Dowladda Federaalka iyo hay'adaheeda dastuuriga ah, taas oo ka dhigan baa warsaxaafadeedka lagu yiri afgembi cad oo lagu sameeyay Dastuurka Qaranka ee ay Xukuumadda Federaalka Somaliya ku dhisan tahay.

"Sidaa darteed Shirkii Golaha Wasiirada XFS waxaa lagu laalay dastuurkii dalka isku hayay, taas oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay galabta soo saareen Golaha Wasiirada Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sifoobay ku tumasho dastuur, takrifal awoodeed, duminta iyo kala qaybinta Ciidamada Qaranka, eex, musuq iyo hantiboob, wuxuuna hurinayaa dagaalo sokeeye iyo isku dhacyo qabiil, isagoo ku soo daabulaya deegaanada nabdoon ee Jubbaland ee argagixisada laga xoreeyay tobanaan sano ka hor ciidamo laga soo qaaday goobihii ay isku horfadhiyeen argagixisada, isagoo ka shaqeynaya u gacan gelinta argagixisada goobihii laga soo qaaday ciidamadaasi iyo kuwa nabdoon ee ay joogeen Ciidanka Dowladda Jubbaland, taasoo lagu burburinayo nidaamka dowladeed ee ka jira Jubbaland."

Dhanka kale bannaanbax lagaga soo horjeedo fara-gelinta Dowladda Federaalka ee ka dhanka ah Jubbaland ayaa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Hoose ee Kismaayo ayaa lagu dhalleeceeyay ciidamada ay Dowladda Federaalka ku soo daabuleyso Jubbaland iyo xaalad abuur ay dadweynuhu ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay ka sameynayso Jubbaland.

Xiisadda siyaasadeed ee Dowladda Federaalka kala dhaxeysa Jubbaland ayaa ah, waxa loogu hadal haynta badan yahay dalka, waxaana aad u soo xoogeysanaya baaqyada labada dhinac looga codsanayo in arrinta lagu dhameeyo wada hadal.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa laga dareemaya xaalad kacsanaan ah iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo ayna dadku ka baqdin qabaan in Ciidamada Qalabka Sida ay dhexdooda dagaalamaan.