Madaxda Qaranka oo soo dhaweeyay qaadista xayiraaddii hubka ee dalka

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa si weyn u soo dhaweeyay in tobanaan sano ka dib dalka laga qaado xayiraaddii hubka ee saarneyd.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay cod aqlabiyad leh ku meelmariyay qaadista xayiraaddaasi, ka dib 31 sano oo Somaliya ay saarneyd.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Somaliya tan iyo sanadkii 1992-kii laga qaado cunaqabateyntii hubka ee Golaha Ammaanka uu ku soo rogay.

"Walaalayaal sidaad ogtihiin 1992-dii, markii dagaalada sokeeye ay baaheen burburkii dowladnimada ka dib, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu Somaliya ku soo rogay cunaqabateyn hub, Somaliya inaanan hub la geyn karin, si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed noloshooda oo hub waaweyn oo la isku sii haligaa aan loo helin. Nasiib darro cunaqabateyntaasi 1992-dii bilaabatay, muddo dheer ayay soo socotay, way is bedbedeshay, waxyaabo kaloo badanaa ku soo kordhay, laakiin 31 sano ayaa laga joogaa, maalintii cunaqabateynta nala saaray." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta ay marna faa'iido lahayd, marna ay carqalad ku noqotay qaranka.

"31-kaasi sano cunaqabateynta way na saarneyd, meelo badana dabcan faa'iido ayay ka lahayd, meelo badana culeysyo ayay ka lahayd." Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri "Cunaqabateynta Somaliya la saaray, waxay ahayd cunaqabateyntii ugu dheereyd ee taariikhda Qaramada Midoobey weligeed dowlad la saaro, taariikhda Qaramada Midoobey intay jirtay oo dhan."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa sanadkii 32aad cunaqabateyn hub inaanay na saarnayn. Maanta waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego dalka Somaliya dhammaan waa laga qaaday cunaqabateyntii hubka. Dalkeennu maanta wuxuu xor u yahay intii awooddeenna ay le'egtahay hubkii aan rabno inaan soo iibsano."

Sidoo kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyay in muddo dheer ka dib uu Golaha Ammaanka dalka ka qaado xayiraaddii hubka.

Qaadista xayiraadda hubka ayaa ku soo aadaysa, xilli Dowladda Federaalka ay dagaal adag kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horaan wacad ku maray in dowladdiisu ay ka adkaan doonto maleeshiyada Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Shabaabka hubeysan ayaa noqonaya ururkii ugu muddada dheeraa ee la dagaalama dowlad ay Soomaali leedahay, inta ay taariikhda qoreyso.