Madaxweynaha Puntland oo isbitaalka ku booqday askarta ku dhaawacantay dagaalkii Dharjaale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa galabta isbitaal ku yaala Magaalada Boosaaso ku booqday askarta kaga dhaawacantay dagaalkii maanta Ciidanka Puntland ay maleeshiyada Daacish kula galeen deegaanka Dharjaale ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa booriyay jabka ay ciidamada dagaalkaasi ugu gaysteen maleeshiyada Daacish, oo iyagu weerar ku soo qaaday fariisimaha ay ciidamada ku leeyihiin Dharjaale.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay dhammaanba dagaal-yahanadii weerarka soo qaaday, oo ay ku jiraan sideed nin oo ajnabi ah.

Dagaalka ayaa imanaya toban maalmood uun ka dib, markii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa maanta magacaabay Guddga Taakuleynta & Daryeelka Dhaawacyada Ciidamada ee qaadaya hawlgalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Guddigan oo ka kooban toddobo xubnood oo Wasiiro u badan ayaa ka shaqayn doona taakulada iyo daryeelka dhaawacyada ciidamada ee hawlgalka Buuraha Golis.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: -

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) 

2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur

3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle

4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo)

5. La taliye Axmed Cabdi Hurre

6. Gudoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid

7. Gudoomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle.

Madaxweyne Deni ayaa garab istaag buuxa u muujinaya Ciidanka Puntland ee loogu talagalay in ay Shabaab iyo Daacish ka saaraan Buuraha Gobolka Bari.

Puntland ayaa u muuqato in sanado ka dib ay u jiheysatay dagaal lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta maamulka ee ay ka arrimiyaan Shabaabka iyo Daacishta Somaliya.