Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La taliyaha Sare ee Arrimaha Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuseen Sheekh Maxamuud u magacaabay in uu noqdo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

"Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyay mudnaanta uu siinayo dhameystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay La taliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka, Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka."

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa horey u soo noqday Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, balse xilkaasi ayuu iska casilay 5-tii bishii August ee sanadkan.

Arrimaha Dastuurka ayaa ka mid ah arrimaha hortabinta u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.