Saddex qof oo ay ka mid yihiin wiil iyo aabihii oo ku dhintay qarax waddada lagu aasay

Dadkan oo la socday gaari uu noociisu ahaa Land Cruiser ayuu qaraxu ku haleelay inta u dhaxeyso deegaanada Bogyar iyo Dam Ege ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Rakaabkii gaariga la socday ayaa la sheegay in ay si lama filaan ah ula kulmeen qaraxaasi, xilli ay ku safrayeen waddada xiriirisa Degmooyinka Dhadhaab iyo Garissa.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo isku qoys ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, oo ahaa mid waddada dhinaceeda lagu sii diyaariyay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Amiin Ugaas Xasan. Ugaaska ayaa ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida Kenya, si weyna looga garanayay Gobolka Waqooyi Bari.

Labada qof ee kale ee qaraxa ku naf waayay ayaa lagu kala sheegay nin ay Ugaaska walaalo yihiin iyo wiil uu Ugaaska dhalay, oo lagu magacaabi jiray Fu'aad Farey, darawalna ka ahaa gaariga.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse waxaa si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa marar badan Gobolka Soomaalida Kenya ka gaystay qaraxyo ay dad fara-badan ku dhinteen.