Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay galbeedka Gobolka Hiiraan, si looga hortago hawlgalka

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan galbeedka gobolkaasi.

Dhaqdhaqaaqan ayaa la xiriira, sidii maleeshiyada ay uga hortagi lahaa gulufka ballaaran ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ka wadaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa hawlgal ka wada deegaanada bariga gobolka ee dhaca Webiga Shabelle, si halkaasi looga saaro maleeshiyada ku sugan.

Shabaabka ayaa hadda difaacooda ugu weyn ee bariga gobolka waxay ku leeyihiin deegaanka Jicibow oo hoostaga Degmada Buuloburde, waxaana culeys ku haya ciidamada.

Militariga ayaa xoreynta Jicibow u arka mid soo afjareysa joogitaankii Al Shabaab ee dhanka bari ee webiga jiinkiisa.

Shabaabka oo dareemay culeyska ka soo fuulay hawlgalkan ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay deegaanada galbeedka gobolka qaarkood, si ugu yaraan ay u difaacdaan deegaanka bariga ku yaala ee Jicibow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay dhaqdhaqaaqooda xoogiisa ka wadaan deegaanada Buq Aqable iyo Mukeyle, maadaama ay ogyihiin in ciidamada ay halkaasi ku soo socdaan, haddii ay lumiyaan gacan ku haynta Jicibow.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Shabaabku ay ciidamo ku diyaarinayaan deegaanadaasi, si ay u xoojiyaan difaacooda hore ee Jicibow.

Buq Aqable oo kale waxaa ka jira guux ka dhashay Shabaabka oo dadka deegaanka ugu baaqay in ay hubka qaataan, isla-markaana ay ka qayb qaataan difaaca dhulka ay maamulaan.

Ciidan kasta oo Shabaabku ay u soo dhaqaajiyaan jiidda hore waxaa khasab ah in ay doomo kaga soo tallaabaan webiga, maadaama uu webigu kala qaybiyo labada daamood ee bariga iyo galbeedka ee gobolka.

Sidoo kale Shabaabka ayaa la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq aan buurneyn ay ka wadaan deegaanada kale ee kala ah Shaw, Buurweyn iyo nawaaxiga Luuq Jeelow.

Dhaqdhaqaaqoodan ayaa loo maleynaya in uu qayb ka yahay diyaargarowga ay ugu jiraan in ay kaga hortaggaan hawlgalka ciidamada.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Magacawiisleyda ayaa gobolka ka wada hawlgal ka ballaaran midkii goos gooska ahaa ee sanadkii hore ay ka sameynayeen gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in marka la soo afjaro hawlgalka sifeynta ee ka socdo dhinaca bari ee Webiga Shabelle ay ciidamadu u dhaqaaqi doonaan daantiisa galbeed.