Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka meesha adag gaaray ee Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegaya in khilaafkoodu uu salka ku hayo wax ka bedel uu sheegay in lagu sameeyay Dastuurka KMG.

"Waxaanu ognahay in waxaan ay ka dhasheen bedeliddii dastuurka ee muddada dheer soo socotay, oo keentay in laba dastuur dalka ka jiraan maanta. Afar cutub oo hadda Baarlamaanka uu bedelay iyo dastuurkii hore." Ayuu yiri Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Ummaddan Soomaaliyeed, marka dowladnimo laga hadlayo waxaa sal u ahayd dastuurka, dastuur-na waa wax ummad ku heshiisay ay ka arkeen danahooda iyo xalka mashaakilka dhexdooda ka jira, si gaar ahna uga shaqeeya dowladnimada, sida ay u dhisan tahay iyo sida ay u shaqeynayso."

Madaxweynihii hore ee dalka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa yiri "Waxaan la soconaa Baarlamaankeennu wuxuu ka kooban yahay Laba Aqal, Labadaasi Aqal waxay isu imaan karaan xilliyo gaar ah. Xilliyadii dambe waxaa la caadeystay Labada Aqal si joogta ah inay u wada shaqeeyaan."

Shariif Sheekh Axmed ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Taasna waxaa lagu qarinayaa kooram la'aanta ka jirta Baarlamaanka oo runtii arrin fiican aan ahayn. Ujeedada laga leeyahay waa doorasho ruux keliya uu ogyahay, sida ay u dhaceyso, waqtiga ay dhaceyso iyo cidda ka faa'iideyso. Taas oo la wada ogyahay doorasho kasta oo si khaldan looga shaqeeyo natiijadeeda iyo iyadoo waqtigii iyo xilligii dhammaanin inay mugdi dhalisay."

Shariifka ayaa yiri "Markii hore sida aan wada ognahay Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe howshan iyagaa ka soo shaqeeyay, laakiin way ku kala aragti duwanaadeen. Puntland waa ka baxday, Jubbaland-na waa ka baxday. Su'aasha marka waxaa waaye, haddii hay'adihii soo abuuray sharcigan ay ku kala aragti duwan yihiin oo ay ku kala fogaadeen oo midnimadii dalka ay khatar ugu jirto, maxaa faa'iido ah oo ku jira in laga sii doodo oo Baarlamaanka lagu mashquuliyo, Madaxda Dowladdase sidee ku dhici kartaa in la yiraahdo masuuliyaddii la saaray inay inta ay iska iloobaan, maamul hebel miyaa diiday, ka soco?"

Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dhalleeceeyay tallaabada Dowladda Federaalka ay Ciidamada Qaranka ugu daabushay Jubbaland, isagoo xusay in Ciidamadii Dowladda iyo kuwii Jubbaland ee loogu talagalay inay la dagaalamaan Al Shabaab dhexdooda la iska horkeenayo.

"Ciidamada kuwii horey u joogay Jubbaland iyo kuwa hadda la geeyay labaduba, waxay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka, in marka labadoodii la isku diro oo la abuuro xaalad dhiig ku daadan karo waa xaalad masuuliyad darro ah, baahi loo qabo ma jirto. Ciidanka Dowladda meel kasta oo loo baahan yahay waa la gayn karaa, laakiin waa inay caddahay maslaxada loo gaynayo oo difaacaya inay caddahay." Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa kaloo uu yiri "Dastuurka, ciidanka iyo dhaqaalaha waa saddex shay oo dowladnimada u ah aasaas. Marka qaabkay u shaqeynayaan iyo qaabkay u socdaan waa inay caddahay, waana waxyaabaha dareenka ay ka qabaan Dowladnimada Somaliya ay ka kici la'dahay. Dastuurka, ciidanka iyo dhaqaalaha qofka waxyaabaha uu rabo inuu ka sameeyo waxay abuureysaa kala shaki, waana tan hadda taagan."

Waxaa uu sheegay inaysan jirin wax ka wanaagsan in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, balse duruufaha amni iyo caqabadaha kale ee ku gadaaman doorashada ay wiiqayaan in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka ka dhacdo.

"Maxkamaddii Dastuuriga oo maanta haddii la isku qabto doorashooyinka dhihi lahayd sax waaye iyo sax ma ahan, nooma dhisna. Guddiga Adeegga Dastuurka nooma dhisna. Doorashada hadda ka dhacday Jubbaland waa sax iyo waa khalad cidda dhihi lahayd waa Maxkamadda Dastuuriga, mana noo dhisna. Yaa hortaagan, cidda hortaagan waa tee?" Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay "Waxaan rabaa laba shay oo muhiim ah inaan sheego. Mid waxaa weeye in la yiraahdo doorashada hala mideeyo iyo doorashada hala saxo, labaduba way fiican yihiin soo maaha? Laakiin labada tabarteenna way yartahay halmar kuma samayn karno. Waxaan ka samayn karnaa hadda doorashada hala saxo oo doorasho nadiif ah oo xor ah, ha laga dhigo. Arrintaas ma la kari karaa mise ma la kari karo? Waa la kari karaa."