Xoghaye Guterres: Waxaan u baahanahay xabad joojin bani'aadantinimo oo dhab ah

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay in shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ay wajahayaan masiibo bani'aadantinimo oo aad u daran.

Xoghayaha oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka hadalayay shir ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku yeesheen Magaalada New York ayaa caalamka ugu baaqay inaanan la iska indha-tirin xaaladda murugsan ee ka jirta Marinka Gaza.

"Dadka Gaza waxay bartanka uga jiraan masiibo bani'aadantinimo oo aad u xun, iyadoo dunida ay daawaneyso, waana inaanan la iska indha-tirin." Ayuu yiri Xoghayuhu oo intaa raaciyay "Xaaladda waa inaan meel fog ka eegin."

"Toddobaadyo gudahood, tiro aad u badan oo carruur ah ayaa lagu dilay hawlgalka Ciidamada Israel ee Gaza, waana wax aan horey loogu arag colaad kasta oo dunida, tan iyo markii aan noqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.” Ayuu yiri Xoghayaha oo xafiiska la wareegay 1-dii bishii January ee sanadkii 2017.

Waxa uu sheegay in Israel iyo Xamaas ay hadda wadaan wada hadalo uu ujeedkoodu yahay in mar kale la gaaro xabad joojin ku-meel-gaar ah, balse waxa loo baahan yahay ay tahay xabad joojin bani'aadantinimo oo dhab ah.

"Waxaa socdo wada-xaajoodyo xoogan oo lagu doonayo in lagu sii dheereeyo xabad joojinta, taasi oo aan aad u soo dhaweynayo, balse waxaan aaminsanahay in aynu u baahanahay xabad joojin bani'aadantinimo oo dhab ah." Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa yiri "Waa arrin aad u qiiro leh in aan aragno dadka rayidka ah oo ugu dambayntii ka nasanaya duqaymaha, qoysaska oo dib u midoobaya iyo gargaarka naf badbaadinta oo sii kordha."

Xoghaye Guterres ayaa ku baaqay in la furo waddooyinka kale ee Gaza iyo in la sameeyo hababka kormeerka, si loogu ogolaado gargaar badan oo nafo lagu badbaadinayo in ay u gudbaan dhulka go'doonsan.