Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Safiirka Turkiga u jooga dalka

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga u jooga dalka Ferhat Alkan, xilli ay saacado ka harsan yihiin furitaanka shirka wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isugu yeeray Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka siyaasadda iyo in la joogteeyo wada hadalada mudnaanta u leh in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed.
"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, geeddi-socodka siyaasadda iyo muhiimadda ay leedahay sii wadista wada hadalada iyo wadatashiga." Ayay Safaaraddu ku sheegtay war qoraal ah.
"Safiir Alkan ayaa Madaxweyne Sheekh Shariif uga mahadceliyay soo dhoweyntiisa diiran iyo isweydaarsigii aragtida miro-dhalka ah." Ayaa lagu yiri warka.
Nuxurka warka Safaaradda ayaa ah in aan la jarin wada hadalka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka ee ku kala aragtida duwan arrimaha taagan.
Kulanka ayaa imanaya, iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay ka caga-jiidayaan ka qaybgalka shirka wadatashiga ah ee Madaxtooyada Qaranka ay muddeysay inuu Sabtida ka furmo Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 26-kii bishii October casuumaad u diray saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka, si ay uga soo qaybgalaan shirka wadatashiga ee qorsheysan inuu Muqdisho ka qabsoomo 14-ka illaa 18-ka bishan November.
Si kastaba ha-ahaatee mucaaradka ayaa ka gaabsanaya ka qaybgalka shirka, sababo ku aaddan waa inaysan caddayn qaabka loo wajahayo xallinta khilaafka doorashada.


