Xerada Militariga Xananbuure oo ka mid noqotay xeryaha lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka

Dugsiga Tababarka Ciidamada ama Xerada Militariga Xananbuure ayaa ka mid noqotay xeryaha diyaarka ah ee lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka, oo ah ciidamo si gaar ah loogu diyaariyo difaaca dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay sanadkii hore ee 2025 ballaarin ku sameysay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure, markaas oo lagu uruuriyay dhallinyaro fara-badan oo laga soo xulay deegaano kala duwan.

Dugsiga Xananbuure ayaa hoostaga Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo madax uu u yahay Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne).

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa 16-kii bishii May booqday xeradaasi, mar uu qiimeynayay heerka tababarka ee ciidamada halkaasi lagu tababarayay, isagoona noqday sarkaalkii ugu sarreyay ee booqda xeradaasi, tan iyo intii la hawlgeliyay.

Dugsiga Xananbuure ayaa hadda ah meelaha ay Dowladda Federaalka ku diyaariso ciidamada cusub ee qaranka, kaas oo awood u leh in hal mar lagu tababaro ku dhawaad kun askari.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii booqashada uu ku marayo Galmudug ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in uu tago Xananbuure, isaga oo kaga qaybgelaya munaasabad tababar loogu soo xirayo ciidamada halkaasi lagu diyaariyay, laguna qalabeeyay.

Cutubyada lagu tababaro Xerada Militariga Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa si gaar ah uga mid noqonaya Ciidanka Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka, iyadoo Qaybta 21aad ay hadda ka kooban tahay Saddex Guuto oo kala ah Guutada 15aad, Guutada 24aad iyo Guutada 27aad, waxaana uu Xarunta Taliskoodu yahay Dhuusamareeb.

Doorka xeradan waa in la soo saaro cutubyo cusub oo loogu talagalay inay xoojiyaan hawlgalada militariga ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ciidamada lagu wado in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan tababarka ugu soo xiro xeradaasi ayaa ku biiraya safka dagaalka, si ay gacan uga gaystaan hawlgalada dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ayaa muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo u baahan inay buuxiso goobaha ay ka baxaan Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM.