Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii Xarunta Madaxtooyada kula kulmay dhiggiisa dalkaasi William Ruto.

Bogga Villa Somalia ayaa lagu daabacay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, mana jirto wax tafaasiil intaasi dheer oo qoraalka looga bixiyay wada hadalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kulanku uu la xiriiro, sidii labada dowladood ay wadatashi uga yeelan lahaayeen hawlgalka xigga Midowga Afrika ee dalka.

Booqashada Madaxweynaha Somaliya ee Kenya ayaa qayb ka ah socdaal uu maalmahaanba ku marayay dalalka gobolka ee ay ciidamada ka joogaan dalka, marka laga soo tago Itoobiya. Madaxweynaha ayaa booqday dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya oo lugtiisii ugu dambeysay uu ku tegay.

Madaxweynaha ayaa hoggaamiyeyaasha afarta dal kala hadlay hawlgalka cusub ee lagu wado in lagu bedelo ATMIS, maadaama waqtiga Ciidanka ATMIS uu geba-gabo ku dhow yahay, sida uu sheegay Wasiir Jaamac.

Somaliya iyo Kenya ayaa 6-dii bishii May kala saxiixday heshiis dhinacyo badan taabanaya, oo uu ugu horreyo iskaashiga amniga, gaar ahaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Kenya ayaa waxaa dalka ka jooga dhowr kun oo askari oo ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS.

Militariga Kenya ayaa waxaa suurtagal ah in ay qayb ka noqdaan hawlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM ee bedelaya ATMIS.

ATMIS ayuu waqtigeedu ku egyahay 31-ka bisha December ee sanadkan, waxaana 1-da bisha January ee sanadka soo socda bedeli doona Hawlgalka AUSSOM, kaas oo Somaliya lagaga caawinayo la dagaalanka Al Shabaab iyo xaqiijinta nabadgelyada dalka.